Wasiirka Warfaafinta JFS oo kulan la qaatay shaqaalaha Wasaaradda

Date:

Wasiirka Wasaaradda  Warfaafinta ee XFS, Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda ayaa maanta kulan la xiriiray habsami u socodsiinta  howlaha warfaafinta la  qaatay shaqaalaha iyo madaxda waaxyaha ee Wasaaradda.

Wasiirka Wasaaradda  Warfaafinta ee XFS, Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa  sheegay inuu ku faraxsan yahay in maanta Madaxdii Wasaaradda iyo shaqaalaha ay yeeshaan kulan wadatashi ah si loo dar-dargaliyo shaqada Wasaaradda ay u heyso Umadda Soomaalieed.

Uganbeyn Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  ayaa shaqaalaha Wasaaradda  ugu baaqay  in shaqadooda  ay dar-dargaliyaan ,isagoona balanqaaday in xuquuqdooda ay joogteen doonaan.

C/raxmaan Yuusuf Sheekh Al-cadaala oo ah  Agaasimaha Guud ee kmg Wasaaradda Warfaafinta aya ku ammaanay shaqaalaha wasaaadda howlkarnimada iyo daacadda ay u yihiin shaqadooda,isagoo xusay in saacado badan ku jiraan howlaha ay u hayaan umaada,wuxuuna ugu baaqay n ay halkaasi ka sii wqadaan adeegyada lama huraanka ah ee ay ka sugayaan dadka iyo dalka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Türkiye oo xusay 15-guuradii booqashadii Erdoğan uu ku yimid Muqdisho

Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Turkiga Fatxudiin Cali Maxamed,...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta shir-guddoomiyay kulanka labaad ee Kalfadhiga 8-aad ee Guddiga Joogtada Aqalka Sare

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi...

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, iyo...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...