Wasiirka Gaashaandhigga oo guddiga abaaraha ku wareejiyay kaalmo lacag ah

Date:

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed ayaa maanta Guddiga Qaran ee gurmadka Abaaraha ku wareejiyay lacag dhan $51,000 (Konton iyo kow kun) oo dollarka Mareykanka ah, si loogu caawiyo dadka ay abaarta saameysay.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sheegay in lacagtan laga soo uruuriyay ciidamada xoogga dalka oo laga jaray mushaarkii ay qaadanayeen,  isagoo intaa ku daray inay diyaar u yihiin inay is garab taagaan shacabka Soomaaliyeed ee abaarta saameysay,

Guddiga Qaran ee gurmadka Abaaraha ayaa Wasiirka Difaaca uga mahad celiyay lacagta uu Guddiga ku wareejiyay,  waxaana Guddiga ay tilmaameen inay tahay wax lagu farxo tallaabada Ciidamada Xoogga dalka ay lacagtan isaga soo uruuriyeen.

Dhawaan ayay ahayd markii Ciidamada Booliska iyo Nabadsugida lacago ay iska soo uruuriyeen oo laga jaray mushaaraadkooda ay ugu deeqeen dadka Soomaaliyeed ee abaaraha saameeyay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Gaashaandhigga oo xaqiijisay dilka Macallin Jinoow

Waxaa la xaqiijiyay dilka Macallin Jinoow, kaas oo Wasiirka...

Dab ka kacay Suuqa Bakaaraha oo damintiisa lagu guuleystay

Waaxda Gurmadka Deg Degga ah ee Maamulka Gobolka Banaadir...

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeysay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...