Qaban qaabada shirka Dowladda federaalka iyo maamul Goboleedyada Dalka oo laga dareemaya Muqdisho

Date:

Waxaa Saacadihii aynu kasoo gudubnay soo gaaray Magaalada Muqdisho qaar ka mid ah madaxweynayaasha maamul Goboleedyada Dalka Soomaaliya, si’ ay ugu qaybgalaan kulan la filayo inuu Berrito ka dhaco Muqdisho.

Shirka ayaa waxaa looga hadli doonaa sidii loo xoojin lahaa xiriirka Dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamullada Dalka, arrimaha ammaanka iyo sidii Ajenda mideysan looga qaadan lahaa kulanka la filayo inuu dhawaan ka dhaco Magaalada London ee Dalka Ingiriiska, kaasoo looga hadli doono arrimaha Soomaaliya.

Britain ayaa safka hore kaga jirta waddamada sida aadka ah u daneeya arrimaha Soomaaliya, waxanay Gacan weyn ka geysataa taageerada dhaqaale iyo tan Ciidan ee Dowladda Soomaaliya, iyadoo dhowr jeer Magaalada London ku qabatay shirar looga hadlayo arrimaha Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Gaashaandhigga oo xaqiijisay dilka Macallin Jinoow

Waxaa la xaqiijiyay dilka Macallin Jinoow, kaas oo Wasiirka...

Dab ka kacay Suuqa Bakaaraha oo damintiisa lagu guuleystay

Waaxda Gurmadka Deg Degga ah ee Maamulka Gobolka Banaadir...

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeysay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...