Maamulka Degmada Heliwaa oo markale Olole Nadaafadeed ka bilaabay mid ka mid ah waaxyaha degmada

Date:

Maamulka Degmada Heliwaa oo uu horkacaayo Guddoomiyaha Degmada Heliwaa Mudane Cabdixakiin Cumar Cabdulle ayaa maanta waxa ay markale olole Nadaafadeed ka bilaabeen Waaxda Bandar-wanaag ee Degmada Heliwaa, si dib loogu soo celiyo bilicda Degmada islamarkaana looga hortago qatarta caafimaad iyo mida amni ee ka dhalankarta qashinka buuxdhaafiyay xaafadaha kala duwan ee ay ka kooban tahay Waaxda Bandarwanaag.

guddoomiyaha ayaa kormeeray sida ay u socoto howlaha Nadaafadda, waxaana uu howlwadeenada degmada u qaabilsan dhanka Nadaafadda ku dhiiri gelinayay inay si hufan u gutaan howlaha loo idmaday, waxaana uu intaa ku daray inay joogteyn doono howlaha kormeerka iyo ka warqabdka shaqaalaha Nadaafadda ee degmada.

โ€œWaxaan idinku imid inaan idinka warqabo howsha Nadaafadeed ee aad Waaxdan ka wadaan, runtii waxaa naga goโ€™an in aan dib u soo celino bilicdii ay lahayd Degmada Heliwaa, Nadaafaddu waa Imaanka barkiis, qofkasta waxaa masโ€™uuliyad ka saaran in uu ka shaqeeyo dhanka Nadaafaddaโ€ ayuu yiri Guddoomiye Cabdixakiin oo hadalkiisa ku daray โ€œWaaxdii ku guuleysata dhanka nadaafadda, waxa ay heli doonaan abaal marin gaar ahโ€.

Mudane Cabdixakiin Cumar ayaa dhankiisa waxa uu ka qeyb qaatay ololaha nadaafadda, taasi oo uu ku sheegay inay tahay mid uu ku dhiiri gelinayo bulshada isla markaana looga hortagayo qatarta kooxaha nabad diidka ee ku howlan dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed ee aanan waxba galabsan.

Guddoomiye Cabdixakiin Cumar Cabdulle ย ayaa tan iyo markii uu xilka la wareegay horaanta sanadkaan 2017, waxa uu bilaabay olole xoogan oo dib loogu soo celinayo bilicda Degmada, si degmada ay ugu soo laabato bilicda iyo quruxdii ay laheyd barisamaadkii hore.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirweynaha 2-aad Hoggaamiyeyaasha Garsoorka Afrika

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo war kasoo saartay colaada Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS)...

Hoggaamiyaha DG Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hayโ€™adda SODMA

Hoggaamiyaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed...