Madaxweyne Farmaajo oo wadahadal la yeeshay Sheekh Maxamed Bin Zayed

Date:

Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya iyo Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa isku afgartay iskaashi dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin amniga, la dagaallanka arga-gixisada, burcad badeedda, kobcinta dhaqaalaha, arrimo la xiriira ganacsiga, socdaalka iyo in Imaaraadku uu gacan ka geysto in Soomaaliya laga saamaxo deymaha lagu leeyahay.

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha JamhUuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo maanta soo geba-gebeeyay booqasho laba maalmood ah oo uu ku joogay dalka Imaaraadka Carabta ayaa intii uu joogay Abu Dhabi wuxuu wadahadallo la yeeshay dhaxal sugaha Imaaradda Abu Dhabi, ahna Ku Xigeenka Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta Shiikh Maxamed bin Zayed Al Nahyan.

Shiikh Maxamed bin Zayed, wuxuu Madaxweynaha ugu hambalyeeyay doorashada uu dhowaan ku guuleystay iyo taageerada ay siiyeen shacabka Soomaaliyeed. Wuxuuna sheegay in uu laba laabi doono taageerada ay dowladda Isu-Tagga Imaaraadka Carabtu siiso Dowladda Soomaaliyeed si ay uga guuleysato kooxaha nabad-diidka ah oo uu ku tilmaamay in ay doonayaan in ay afduubaan diinta Islaamka.

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, wuxuu ka mahadceliyay soo dhoweynta diirran iyo taageerada joogtada ah ee ay Dowladda Isu-tagga Imaaradka Carabtu la garab taagan tahay walaalahooda Soomaaliyeed.

Soomaaliya iyo Isu tagga Imaaraadka Carabtu waxay isla qireen in ay Madaxbannaanida iyo Midnimada Soomaaliya tahay muqaddas oo muhiim u ah amniga iyo iskaashiga labada dhinac.

Wafdiga uu Madaxweynuhu hoggaaminayay waxaa ka mid ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Yusuf-Garaad Cumar, Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdulqaadir Macallin Nuur iyo mas’uuliyiin kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Aljeeriya oo xoojinaya xiriirkooda

Faallo; Soomaaliya iyo Aljeeriya ayaa sii xoojinaya xiriirkooda taariikhiga...

Safiirka Soomaaliya ee dalka Congo oo laga guddoomey Waraaqihiisa Aqoonsiga

Safiirka JFS ee dalka Congo Mudane, Ilyaas Cali Xasan,...

Duqa Muqdisho iyo Culimaa’udiinka oo ka wada hadlay wacyigelinta bulshada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Soomaaliya oo ka qaybgashay shir looga hadlayay u adkaysiga cimillada

Dowladda Soomaaliya ayaa ka qeybgashay shir muhiim ah oo...