Taliyaha cusub ee booliiska oo xilka la wareegay

Date:

Taliyaha cusub ee ciidanka booliiska Soomaaliyeed Janaraal C/xakiin Daahir Saciid (Saacid) ayaa maanta xilka kala wareegay taliyihii hore ee ciidamada booliska Soomaaliyeed sareeyo gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud.

Munaasabadda xil wareejinta ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Amniga gudaha ee xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) iyo Saraakiil ka tirsan ciidanka Booliska.

Taliyihii hore Janaraal, Xaamud ayaa ka warbixiyay waxyaabihii uu soo qabsoomay, waxaana uu mahad celiyay Ciidamada Booliska iyo Saraakiisha sida wanaagsan ee ay ula soo shaqeeyeen.

Taliyaha cusub ee Ciidamada Booliska Janaraal C/xakiin Saacid oo horay xilkan u soo qabtay ayaa balan qaaday in halkeeda ka sii wado doono horumarinta ciidamada booliska iyo sidii amniga loo sugi lahaa.

Ugu dambeyn wasiirka Amniga gudaha Maxamed Abukar Islow (Ducaale) ayaa ayaa ku booriyay taliyaha cusub in uu la yimaado wax qabad dhab ah isla markaana uu ka soo dhalaalo howsha culus ee laga sugayo oo ah sugidda amniga dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo ka warbixiyay Jabkii lagu gaarsiiyay Khawaarijta Ceeldheer

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Ruushka kaga qeyb-galay shir la xariiro dhaqanka

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka Iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaiya,...

Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) oo ku baaqay in tallaabo laga qaado Israel

Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) oo ay xilligaan taladiisa hayaan...

Xarunta Taliska Ciidanka Haramcad oo dib loo dayactiray oo xarigga laga jaray

Magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu qabtay munaasabadda xarig-jarka xarunta...