Agaasimayaasha waaxyaha wasaaradda warfaafinta oo maanta xilalkooda la kala wareegay

Date:

Xilli shalay wasiirka warfaafinta iyo hanuuninta dadwaynaha JFS Mudane C/raxman Cumar Cusman (Eng. Yarisow) uu shalay isbadal ku sameeyay waaxyaha wasaaradda ayaa maanta agaasimayaashu waxa ay la kala wareegeen xafiisyada loo magacaabay.

Liibaan Cabdi Cali agaasimaha cusub ee Telefishinta Qaranka ayaa xilka kala wareegay Naasir Xassan Xuseen oo isna waaxda Maamulka iyo qorshaynta kala wareegay C/llahi Sh C/raxmaan Haybe oo loo badalay waaxda Sonna.

C/raxman Sh Yuusuf Al-cadaala oo si KMG loogu magacaabay agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta ayaa waaxda Sonna ku wareejiyay C/llahi Sh C/raxmaan Haybe.

Agaasimayaasha ayaa kormeeray qaabka shaqo ee Waaxyaha Talefishinka, Sonna, iyo xafiisyada kale, waxaana ay shaqaalaha waaxyaha kula dardaarmeen inay shaqadooda u gutaan si hufan.

Agaasimaha cusub ee loo soo magacaabay Radio Muqdisho ayaa isna la filayaa inuu dhawaan xilkiisa la wareego.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo magacawday Guddiga Farsamada ee Wada-hadalka iyo Dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS...

Madaxweynaha JFS oo kulan soo dhaweyn ah u sameeyay isimada Puntland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Wafdiga ka socday Jaamacadda Ummadda oo ka qeybgalay shirka Arrimaha Bariga Afrika

Wafdiga ka socday Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee ka qeybgalay...

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Ruushka oo Waraaqaha Aqoonsiga u Gudbiyay Madaxweynaha Belarus

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Ruushka, ahna...