Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle oo kormeeray xero ay ku jiraan ciidanka XDS ee ku sugan Beledweyne

Date:

Mudane Cali Cabdulaahi Xuseen  Guudlaawe Madaxweyne ku-xigenka Maamulka HirShabeele  oo ku sugan magalada Beledweyne ayaa maanta booqday taliska guutada 10aad  ee Lamagalaay.

Madaxweyne ku-xigeenka HirShabeelle oo ay wehliyaan  xubno ka mid ah golaha Wasiirada maamulka HirShabeele ayaa waxa ay kormeereen qeybaha ay ka koobantahay xerada ciidanka, waxaana uu ku warejiyay Labo neef oo geel ah.

Taliyaha guutada 10 aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal  Tawane Axmed Gurey ayaa uga mahad celiyay booqashada Madaxweyne ku-xigeenka HirShabeelle uu ku tegay xerada Lamagalaay ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan  ayaa sheegay in ciidamada qalabka sida ay ku shaqeyaan  marxalad adag, loona baahanyahay  in lagarab istaago .

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad goboledka HirShabeele Mudane Cali Cabdulaahi Xuseen  Guudlaawe ayaa shegay in ay ka warqabaan marxaladaha ay ciidanka ku shaqeeyaan, waxaana uu balan qaaday in ciidanka  si dhow looga warqabi doono.

Dhinaca kale Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeele  ayaa kulamo  la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada,  waxaana  kulamadan looga hadlay sidii looga wada shaqeyn lahaa horumarka iyo amniga deegaannada maamulka Hirshabeelle.

Guddoomiyaha Degmada Beledweyn Maxamed Axmed Food Cade ayaa  Madaxweyne ku-xigenka HirShabeelle uga warbixiyay xaaladda amni iyo tan bulsho ee ka jirta degmada.

Madaxweyne kuxigeenka hirshabeele  cali cabdulahi xuseen  ayaa sheegay in mas’uuliyinta maamulka ay diyaar u yihiin in ay xaliyaan wax kasto oo caqabad ku noqon kara habsaami u socodka howlaah maamulka HirShabeele

Cabdishakuur Cismaan Cali.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga...

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS oo Tababar u furay Howl-wadeennada Warbaahinta Qaranka uga soo warama Gobollada Dalka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi...