Ra’isul Wasaare Ku xigeenka Dalka oo sheegay in ay diyaarinayaan Shuruuc qeexeysa sida kheyraadka Dalka Loo Wadaagi lahaa

Date:

Ra’isul Wasaare Ku xigeenka Xukuumada Cusub ee Soomaaliya ayaa Shaaciyey in ay muhiim tahay in la diyaariyo Shuruuc qexeyso sida ugu haboon ee Kheyraadka Dalka looga wada faa’ideysan Karo.

Mudane Mahdi  Maxamed Guuleed Khadar ayaa sheegay in ay dejinayaan qorsho kala Xadeeyo Dowlad Goboleedyada Iyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya asaga oo sheegay in cid walbo Xaq ay leedahay uu noqon doono Mid cad oo aan mugdi ku jirin.

“Madaam uu dalka uu qaatay  Federaal waxaa qasab ah in la dejiyo Shuruuc qeexeysa sida loo qeybsan lahaa Kheyraadka waana muhiim in lakala ogaado maxay Dowlad goboleedyada Xaq uleeyihiin Maxayse Dowladda Dhaxe Xaq u leedahay” waxa ay ka mid ahayd hadalada Mudane Mahdi  Maxamed Guuleed Khadar.

Ra’isul wasaare Ku xigeenka ayaa sheegay in xukuumadda Cusub ay xoog saari doonto sida ay u dajin lahayd shuruucdii kala xadeyn lahayd dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Dhaxe asaga oo xusay in ay la kaashan doonaan khuburo calaami ah , ayagoo tusaalo ka dhigan doono dowladaha horay u qaatay Nidaamkan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...

Taliyaha CXDS oo dhagax-dhigay Saldhigga degmada Howlwadaag.

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen. Sulub Axmed Firin ayaa...

Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Hirshabeelle oo Jowhar ku qabtay kulan dadweyne.

Qaar ka mid ah Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Baarlamaanka...

Ciidanka Xoogga oo toogtay naftii hallige khawaarij ah

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa afaafka hore ee xeradda...