Ra’isul Wasaare Ku xigeenka Dalka iyo Taliyayaasha Ciidamadda oo ka qeyb galay Xafladda Xilwareejinta Wasaarada Amniga

Date:

Munaasabadan oo uu xilka kula wareegayey Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Amniga Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale waxaa ka qeybgalay Ra’isul Wasaare Ku xigeenka Xukuumadda  Mahdi  Maxamed Guuleed Khadar, Garyaqaanka Guud ee Qaranka, Xeer illaaliyaha Qaranka, Xildhibaano, Taliyaasha Ciidanka Bolice-ka iyo Nabad Sugidda iyo Masuuliyiin kale.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Amniga Mudane  C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay inta uu Xilka haayey inay wax badan u qabsoomeen sidoo kale looga baahan yahay Wasiirka Cusub in uu halkaas ka sii wado.

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale waxaa uu sheegay in uu la imaanayo Qorshe cusub oo  wax looga qabanayo Amniga guud ee dalka iyo kan  Caasimadda Dalka ee Muqdisho.

Ra’isul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa dhankiisa tilmaamay in looga baahan yahay Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Amiga iyo Masuuliyiinta kale ee Shaqadda loo dhiibay inay wax badan horumar ah la yimaadaan si-ay u yareeyaan Amnidaradda.

Sidoo kale Ra’isul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda waxaa uu sheegay inay Dowladda awood badan iska saareyso sidii Ciidanka Amniga qeybahooda kala duwan ku heli lahaayeen Xuquuqdooda oo joogto ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo u ambabaxay Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Madaxweynaha JFS oo si rasmi ah ugu dhawaaqay Gogosha Wadatashiga Siyaasiinta iyo Hoggaamiyeyaasha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane. Dr. Hassan Sheikh Mohamud...

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluug oo si rasmi ah u saxiixay xeer-nidaamiye cusub

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga, Mudane Axmed Xasan...