R/wasaare ku xigeenka Turkiga oo deeq raashin ah ku wareejiyay guddiga Qaran ee gurmadka abaaraha

Date:

R/wasaare ku xigeenka dalka Turkiga Vaysi Kaynak oo maanta booqasho ku yimid magaalada Muqdisho ayaa deeq raashin oo lagu talagalay dadka ku tabaaloobay abaaraha ku wareejiyay guddiga Qaran ee gurmadka abaaraha.

Deeqdan  oo saarneyd 6 gaari oo nooca xamuulka ah waxaa dowladda Turkiga ugu tala gashay 12-kun oo qoys inay ku noolaadaan muddo bil ah.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mid ah guddiga qaranka ee gurmadka abaaraha ayaa u mahad celiyay Turkiga waxa uuna sheegay in dowladda Turkiga ay wax badan oo dhinaca bini’aadamada u qabteen ummadda Soomaaliyeed.

“Markuu uu yimid madaxweynaha Turkiga Erdugan iyo qoyskiisa wax badan ayay Soomaaliya u qabteen doorashooyinka Turkiga ee soo socdana waan u ducaynaynaaa” ayuu yiri Sheekh Nuur.

Ra,iisal wasaare ku xigeenka dowlada Turkiga   oo isaguna ka hadlay  goobta deeqda uu ku wareejinayay ayaa sheegay in mar walba ay garabtaaganyihiin shacabka Soomaaliyeed.

“Baaqii ra,iisal wasaaraha Turkiga ee ahaa in Soomaaliya dhinaca gar gaarka garab laga siiyo ayaan fulinaynaa walaalaheena Soomaaliyed waan garab taaganahay mar walba” sidaasi waxaa yiri R/wasaare ku xigeenka Turkiga.

Ra,iisal wasaare ku xigeenka  Soomaaliya Eng, Mahdi Axmed  Guuled  oo halkaasi ka hadlay ayaa  sheegay in dowladda Soomaaliya iyo shacabkeedaba  aysan  iloobi doonin waxa ay u qabatay dowladda Turkiga iyo shacabkeeda.

Wafdigii uu hoggaaminayay Ra,iisal wasaare ku xigeenka dowladda Turkiga  ayaa ka duulay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...