Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya oo ka tacsiyadeysay geerida Marxuum Nuur Faarax Xirsi

Date:

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Yuusuf Garaad Cumar, Wasiiru dowlaha Cabdulqaadirr Axmed-Kheir Cabdi, Wasiir kuxigeenka. Mukhtar Mahad Daa’uud, Xoghayaha joogtada, Agaasimayaasha Waaxyaha, Safiirada, Qunsulada guud , Lataliyeyaasha Wasaaradda iyo dhammaan Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay tacsi u dirayaan ehellada, asxaabta iyo Ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Allah u naxariistee Danjire Nuur Faarax Xirsi, Wasiirkii hore ee Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda oo maanta oo ah Axad, kuna beegan April 02, 2017 ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla Magaalada Muqdisho, waxaanu u geeriyooday xanuun la soo gudboonaaday dhammaadkii bishii hore ee March.

Marxuum Amb. Nur Faraah Xirsi oo si qotodheer u bartay xiriirka caalamiga, ayaa ahaa diblomaasi ku xeel dheer hogaaminta iyo wadaxaajoodka, waxa uu Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ku biiray bishii February 2013, isaga oo aqoontiisa ugu deeqay da’yar diblomaasiyiin ah oo Wasaaradda ka howlgasha.

Bishii March, 2014 waxaa loo magacaabay inuu safiir ka noqdo dalka Malaysia, waxaana uu si rasmi ah uga howlgalay Caasimadda Kuala Lumpur kadib markii warqadaha laga gudoomay bilowgii April, 2014, waxa uu dib u habeyn iyo horumarin ku sameeyay howlaha shaqo ee Safaaradda Soomaaliya.

Bishii January 27, 2015 waxaa loo magacaabay Wasiirka Dastuurka, balse Golaha Wasiirada oo uu hogaaminayay Ra’iisul wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa baqdin uu ka qabay in Golaha Shacabka codka kalsoonida u diido xukuumadiisa, ayaa waxa uu golihiisa ku sameeyay isbadal degdeg ah, waxaana February 06, 2015 loo magacaabay Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda, xilkaasi oo uu ku shaqeynayay tan iyo geeridiisa.

Allah u naxariisto, Danjire Nuur Faarax Xirsi waxa uu ahaa halyey wadani ah, jecel qarannimada, u adeegay dadkiisa iyo dalkiisa, marna aanay cabsi gelin qaraxyada iyo weerarada argagaxiso ee lagu beegsaday goobo uu ku sugnaa oo ay ka soo gaareen dhaawacyo fudud.

Marxuum , Danjire Nuur Faarax waxaa lagu xasuusan doonaa dadaalkiisa xoojinta midnimada gobollada waqooyi iyo koonfur ee dalka Soomaaliya, qorshihiisa horumarineed ee dekadaha dalka iyo kaalintiisa wax ku ool ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Malaysia.

Haddaba, annagoo ka murugeysan , kana tiiraanyeysan geerida Marxuumka , ayaa waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto, qabrigiisana nuur iyo neecaaw udgoon ku siiyo, hoygiisana ka dhigo Jannada sare ee Alfardows , qoyskiisa , ehelladiisa iyo asxaabtiisana samir iyo iimaan ka siiyo – Aamiin.

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliska CXD oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saakay ee magaalada Baydhabo

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) waxa uu bulshada...

Guddiga Doorashooyinka oo Shaaciyay Saddexdii Xubnood ee Ka Dhimanaa Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa shaaciyey liiska saddexda (3) xubnood...

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Gaashaandhigga Ruushka

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar...

Soomaaliya oo Taageero U Muujisay Kuwait Kadib Weeraradii Gantaalka Iyo Diyaaradaha Drones-ka

War-Saxaafadeed. Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujineysaa garab istaag buuxa oo...