Wasiirka Boostada oo maanta xilka si rasmi ah ula wareegay

Date:

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Boostada, Isgaarsinta iyo Teknoloojiyadda Eng. Cabdi  Canshuur Xasan ayaa maanta xilka kala wareegay Wasiirkii hore ee Wasaaradaasi Maxamed Jaamac Mursal, iyadoo munaasabaddii xil wareejinta uu ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Dalka, Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda iyo howlwadeenada Wasaaradda.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Boostada oo xafladda ka hadlay ayaa sheegay in muddadii uu Wasaaradda joogay ay wax badan u qabsoomeen, isla markaana ay jiraan waxyaabo kale oo u baahan in la sii dar dargeliyo, isagoo u mahadceliyay intii la soo shaqeysay.

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Boostada, Isgaarsinta iyo Teknoloojiyadda Eng. Cabdi  Canshuur Xasan ayaa xusay in uu howsha halkeedii ka sii wadi doono, isla markaana uu ka codsaday howlwadeenada Wasaaradda inay si hufan ula shaqeeyaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maxay ka wada hadleen Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka iyo ururka Haweenka SSC-Khaatumo?

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ee...

Waalidiinta Dhallinyaro ku xiran dalka Maali oo tabashadooda la dhageystay

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay waalidiinta...

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud...

Saraakiil ka tirsan Xafiiska hantidhowrka oo ka qalin jabiyey Henley Business School Africa

𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐇𝐚𝐧𝐭𝐢𝐝𝐡𝐨𝐰𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐉𝐅𝐒 waxa uu ku faraxsan...