Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo ka qeyb galay munaasabad uu xilka kula wareegayay Wasiirka Arrimaha gudaha

Date:

Wasiirkii hore ee Wasaaradda arrimaha Gudaha Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa Ayaa Maanta Xilka Ku wareejiyey  Wasiirka Cusub ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dib u heshiisiinta Mudane Cabdi Siciid Faarax Juxa ,waxana munaasabada xil wareejinta ka Qayb galey  R/wasaare Ku xigeenka Dalka Mudane Mahdi  Maxamed Guuleed, Xeer ilaaliyaha guud ee  Qaranka iyo Gar yaqaanka Guud ee Qaranka.

Ugu horeyn waxaa goobta ka hadley Wasiirkii hore Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federalka Mudane Xildhibaan C/raxmaan Maxaqmed Xuseen Odowaa waxaana  uu sheegay In intii uu xilka hayey Wasaaradiisa ay ku guuleysatey arrimo badan oo ugu horeyso Dhismaha Maamul Gobaleedyada dalka.

Cabdii Faarax Siciid Juxa Wasiirka Cusub ee Wasaarada Arimaha Gudaha Federalka iyo Dib U heshiisiinta oo halkaasi ka hadley ayaa waxaa uu uga mahad celiyey Wasiirkii hore in uu meel fiican uu soo gaariisey Wasaaradd,a isagoo  intaa ku daray in Horumarka Wasaaradda io waxyaabaha ay ku talaabsatay uu dhankiisa Ka sii wadi doono.

Mahdi Maxamed Guuleed R/ wasaare Ku xigeenka Dalka oo goobta ka hadley ayaa uga mahadceliyey Wasiirkii Hore Wasaaradda Arrimaha Gudaha wax qabadkii Wasaaradaasi uu gaarsiiyey iyo sidii ay uga soo shaqeeyeen Dhismihii qaar ka mid ah maamul Gobolleedyada Dalka.

Dhanka kale Wasiiraka Cusub Wasaaradda arrimaha Gudah,  Federalka iyo Dib u heshiisiinta Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa waxaa uu kormeer ku tagey xaruntii hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ku taala Degmada Boondheere, isagoo sheegay in Wasaaradiisa ay ka shaqeyn doonto sidii Xaruntaasi dib u dhis loogu sameyn lahaa, waxaana uu ka codsadey bulshada Soomaaliyeed iyo Maamulka Gobalka Banaadir in ay gacan ku siiyaan Dhismaha Xaruntii hore ee Wasaaradda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...