Hay’adda Nabad sugidda oo la wareegtay garaash uu ka soo baxay gaari qarxay

Date:

Afar ruux ayaa ku dhaawacatay oo ah ilaada Hay’dda horumarinta Barnaamijyada ee Qaramada Midoobay oo marka magaceeda la soo gaabiya looyaqaano  UNDP kadib qarax lagu soo xiray gaari u shaqeynayay hey’adaasi, kaasi oo ku qarxay garaash ay leedahay hey’adda.

Qarax kadib oo Howlgallo ay sameeyeen hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa waxaa lagu soo qabtay sagaal qof kuwaasi oo looga shakisanyahay qaraxaasi gaariga lagu soo xiray kuwaasi oo laga qasoo qabtay garaasha saaka gaarigaasi uu soo maray sida ay hey’adha amnigu sheegeen

Ciidamada Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa la wareegay garaashka gaariga qarxay uu saaka soo maray iyo garaashka kale ee ay hay’adda UNDP leedahay,  halkaasi oo ay ka wadaan baaritaanno dheeraad ah

Ciidamada ammaanka Qaranka ayaa weli kuraad jooga dad kale oo iyagu lagu tuhmayo inay ka dambeeyeen qaraxa, waxaana ay ha’adaha amniga ay ku howlanyihiin sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa dadka kale ee falkaasi lala xiriirinayo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...