Xildhibaan Maxamed Sheekh Cusmaan โJawaariโ oo ahaa Guddoomiyiha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya intii u dhaxeysay 2012-2016 ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay maanta in uu aqbalay codsi uga yimid Shacabka Soomaaliyeed oo ku aadanaa in uu mar kale isku soo taago xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka.
Shir jaraaโid oo uu saakay Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan โJawaariโ ku qabtay magaalada Muqdisho ayuu yiri โkadib markii aan qadariyey xaaladda dalka uu marayo howlaha adag ee na sugaya, umadda Soomaaliyeed oo maanta u baahan iney hesho hogaan wanaagsan ha noqoto xaga sharci dejinta iyo fulinta, hogaankaas oo Alle ka raali yahay ,ma fududa xilka hogaaminta Baarlamaanka waxaan aad u qadariyey tallooyin iyo codsiyo badan oo iga soo gaarayey Shacabka Soomaaliyeed qeybihiisa kala duwan ha ahaadaan Haween,dhalinyaro,siyaasiyiin iyo Xildhibaanno aad u tira badan oo iga codsaday inaan mar kale usoo istaago hogaaminta Golaha Shacabkaโ.
โwaxaan aaminsanahay in xilka hogaaminta Baarlamaanka Soomaaliya oo ah saldhigga awoodda dowladnimada Soomaaliyeed waa xilka ugu culus seddexda xil ee ugu sareysa dalka oo ah tiirarka awoodda dowladnimada waa uu ka culus yahay xilka laanta fulinta, sidaas daraadeed aniga oo tixgelinaya codsigaas iyo tallooyinkaas badan waayo waxaa waajib ah markii sidaan oo kale laguu soo codsado waxaa waajib diini ah in aad ka jawaabtoโ ayuu hadalkiisa sii raaciyey Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan โJawaariโ.
โaniga oo ka jawaabaya codsigaas waxaan shacbiga Soomaaliyeed u sheegayaa codsigiinna iyo codkiinna waan maqlay waanna qadariyey, waxaan goโaansaday oo aan aheyn goโaan si fudud aan ku gaaray in maanta laga bilaabo aan ahay musharax u taagan Xilka hogaaminta Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya taasi oo aan Alle Subxaanahu wa tacaalaa aan u tala saartay , waxaan Alle ka baryayaa in uu noo fududeeyoโayuu si cad u shaaciyey Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan โJawaariโ.
โqadarka Alle ayaa leh, goโaankan waxaa gaari doona Xildhibaannada Golaha Shacabka oo aan codkooda aad ugu kalsoonahay waxaanna u ballan qaadayaa Shacabka Soomaaliyeed in aan si caadil ah oo dhex dhexaad ah oo aan dhanjir aheyn aan ugu adeegi doono hadii ay ii doortaan markale in aan ku hogaamin doono Golaha Shacabka si caadil ah,, muwaadinnimo ku saleysan dhex dhexaadnimo insha Allahโ.
Ugu dambeyntii Musharax Maxamed Sheekh Cusmaan โJawaariโ ayaa sheegay in ay u muuqatay xiligan in aysan habooneyn in laga hakado hogaaminta dalka si gaar ah hogaaminta Golaha Shacabka waayo Baarlamaanka waa halka dalka laga bad baadin karo islamarkaana laga hogaamin karo waxaanna uu Alle ka rajeeyey in uu fududeeyey howsha hor taala isaga oo mar kalena ku celiyey in qaadashada goโaankan uusan aheyn mid si fudud uu ku qaatay.



