Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo Xubin ka Noqday Kooxda Caalamiga ah ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa iyo Dhaqista Lacagaha

Date:

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS (XHGS) ayaa si rasmi ah uga mid noqday Koox-hawleedka La-dagaallanka Musuqmaasuqa iyo Dhaqista Lacagaha (WGFACML) ee Ururka Caalamiga ah ee Hay’adaha Hantidhowrka Sare (INTOSAI).

Arrintan ayaa timid kadib kulankii 19-aad ee Kooxda, oo saddexdii maalmood ee ugu dambeeyay (18–20 August 2026) ka socday magaalada Arusha ee dalka Tanzania.

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS waxaa kulanka ku matalayay Agaasimaha Baarista u hoggaansanaanta ee XHGS, kaas oo kooxda horteeda ka jeediyay hadal uu uga mahadceliyay xubinnimada Xafiiska ee WGFACML.

Ku biirista WGFACML waxa ay XHGS u suurtagelineysaa inuu kaalin mug leh ka qaato la-dagaallanka musuqmaasuqa iyo dhaqista lacagaha, isla-markaana uu si dhow ula shaqeeyo Hay’adaha Hantidhowrka Sare ee caalamka, gaar ahaan horumarinta mihnadda iyo xirfadaha Hantidhowrka, si baarisyada ay sameeyaan ay gacan uga geystaan la-dagaallanka musuqmaasuqa iyo dambiyada la xiriira maaliyadda.

Intii uu socday kulanka WGFACML, waxaa sidoo kale diiradda lagu saaray xoojinta hufnaanta iyo daahfurnaanta xogta milkiilayaasha dhabta ah, korjoogteynta iibka iyo qandaraasyada dowladda, iyo maareynta khataraha la xiriira musuqmaasuqa, qiyaanada iyo dhaqista lacagaha.

Xubinnimadan waxa ay XHGS uga dhigan tahay tallaabo muhiim ah oo hore loogu qaaday xoojinta ka qayb galka Xafiiska ee dadaallada caalamiga ah ee lagu horumarinayo daahfurnaanta, isla-xisaabtanka iyo wax-ku-oolnimada korjoogteynta hay’adaha dowladda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...