𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐮𝐠𝐮 𝐁𝐚𝐚𝐪𝐚𝐲 𝐢𝐧𝐚𝐲 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐮𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐦𝐛𝐞𝐞𝐲𝐚𝐚𝐧 𝐇𝐨𝐠𝐠𝐚𝐚𝐦𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐮𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚

Date:

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh), oo uu wehliyo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Mudane Sadaad Maxamed Nuur Aliyow. ayaa Maanta booqasho ku yimid Xarunta Qaran ee Gurmadka Degdegga ah, waxaana Xarunta ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xaaladda diyaar-garowga dalka, qorshayaasha ka jawaabista khataraha musiibooyinka iyo saadaasha Super El Niño iyo saameynta ka dhalan karta.

Wasiirka ayaa sidoo kale kormeeray howlaha ka socda Xarunta iyo heerka diyaar-garowga Hay’adda SoDMA ee la xiriira saameynta laga filayo Super El Niño, isagoo ku boorriyey dhammaan Hay’adaha iyo dhinacyada ku howlan arrimaha musiibooyinka inay SoDMA uga dambeeyaan hoggaaminta iyo isku-duwidda howlaha musiibooyinka, si loo xoojiyo wada-shaqeynta loogana fogaado isbarbar-yaac.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Wasiirka uga warbixiyey dadaallada Hay’addu waddo ee lagu xoojinayo diyaar-garowga iyo ka hortagga khataraha soo socda.

Ugu dambeyn, Wasiir Cali Xoosh waxuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay taxaddar iyo feejignaan, isagoo sheegay in la filayo daadad iyo fatahaado ka dhasha Super El Niño, isla markaana ku baaqay in la garab istaago dadka nugul.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...