Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo ay wehliyaan Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, Taliyaha Ciidanka Dhulka, S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, iyo Safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya, ayaa ka qayb-galay munaasabad lagu xusayay Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka, isla markaana lagu dhiirrigelinayay gabdhaha ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Munaasabadda ayaa diiradda lagu saaray doorka muhiimka ah ee haweenku ku leeyihiin difaaca dalka, ilaalinta amniga, iyo ka-qaybgalka hawlgallada Ciidanka Qaranka.
Wasiirka Gaashaandhigga ayaa xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta ka-qaybgalka haweenka ee hay’adaha amniga, isla markaana ay muhiim tahay in la dhiirrigeliyo kartidooda iyo hoggaamintooda si ay kaalin muuqata uga qaataan horumarinta Ciidanka Qaranka. Sidoo kale, munaasabadda ayaa lagu muujiyay taageerada saaxiibbada caalamka ee ku aaddan horumarinta iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Mas’uuliyiintii halkaas ka hadlay ayaa bogaadiyay geesinimada iyo dadaalka gabdhaha Ciidanka Xoogga Dalka, kuwaas oo door muuqda ka qaata difaaca qaranka iyo sugidda nabadgelyada.

