Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

Date:

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo afur sharafeed u sameeyay xubnaha labada gole ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud bogaadiyey Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya tallaabada taariikhiga ah ee ay ku ansixiyeen Dastuurka dalka, kaasi oo soo maray geeddi socod dheer oo dib u eegis iyo wax ka baddal ah.

3- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadahadal Khadka telefoonka kula yeeshay Boqorka Urdun-Boqor Cabdalla binu Al-Xuseen, iyo Amiirka Qatar-Sheekh Tamiim binu Xamad Al Thani.

4- Baarlamaanka Jamhuuriydda Federaalka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey cutubyadii ugu dambeeyay ee wax ka beddelka Dastuurka dalka.

5- Ra’isul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa soo dhoweeyay ansiximta labada gole ee Baarlamaanka ee wax ka beddelka Dastuurka.

6- Ra’isul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qeyb afur loo sameeyay carruurta agoonta oo lagu maamuusayay Maalinta Agoonta.

7- Golaha Wasiirrada ayaa kulankooda uga hadley amniga dalka, gurmadka xaaladda abaaraha, hawlgaladdii ugu dambeeyay ee Ciidamada Xoogga Dalka ay kula wareegeen deegaanno hor leh, iyo warbixinno ku saabsan nidaamka casriyaynta dowladnimada iyo dardar gelinta adeeg bixinta dowladda.

8- Qaar ka mid ah siyaasiyiintii ku jiray Golaha Samata-bixinta ee aqbalay wadahadaladii Dowladda Federaalka ayaa soo dhoweeyay go’aankii Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ku ansixiyay dastuurka dalka.

9- Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xasan Macalin Maxamuud ayaa soo dhoweeyay tallaabada Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ku ansixiyay dastruurka dalka.

10- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka Iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa tallaabo taariikhi ah ku tilmaamay dhameystirka Dastuurka dalka oo ay meel mariyeen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isagoo intaa raaciyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay diyaar u tahay xoojinta wacyigelinta dastuurka iyo dowladnimada ee shacabka.

11- Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay bixinta lacag dhan US$3.88 milyan oo ah caymiska Takaful ee xoolaha nool. Lacagtan waxaa si toos ah loo gaarsiiyay xoolo-dhaqatada dalka ee ka faa’iidaystay barnaamijka DRIVE oo gaaraya 17,734 xoolo-dhaqato.

12- Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa Degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ka daahfuray ololaha diiwaan gelinta codbixiyeyaasha.

13- Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah, ayaa degaanka Aw-Dheegle ku dilay horjoogihii qorsheeyay weerarkii Khawaarijta ee Godka Jilocow iyo weerarro kale oo argagixiso oo sababay dhimashada shacab, saraakiil iyo ciidamo ka tirsan hay’adaha amniga Qaranka.

14- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo ay wehliyaan Guddiga Gurmadka Abaaraha Galmudug, ayaa maalintii 3-aad ee safarkiisa gurmadka abaaraha ku gaaray Degmada Wisil ee Gobolka Mudug.

15- Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafa Dhuhulow ayaa si rasmi ah u daah-furay hirgelinta Kaarka Aqoonsiga Qaranka ee socdaalka gudaha dalka, kaas oo lagu xoojinayo nidaamka maamulka iyo habsami-u-socodka howlaha socdaalka gudaha dalka.

16- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Ciidanka Midowga Afrika ee AUSSOM iyo kuwa UPDF, ayaa Khawaarijta ka saarey degaannada Mubaarak iyo Daaru Salaam ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kadib hawlgal milateri oo lagu jebiyay argagixisada.

17- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen. Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa faray dhammaan cutubyada kala duwan ee Ciidanka XDS in ay si buuxda uga qayb qaataan gurmadka iyo taakuleynta shacabka ay saameeyeen abaaraha ka jira qaybo ka mid ah dalka.

18- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa daahfuray hawlgal cusub oo loogu magac daray “ Hillaac”, kaas oo ka socda deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, islamarkaana kagu burburinayo fariisimaha Khawaarijta.

19- Wasiirka Caafimaadka Mudane Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa Muqdisho ka daahfuray Mashruuca Baaritaanka Caafimaadka Dugsiyada Dalka oo diiradda saaraya ilaalinta iyo daryeelka aragga carruurta dhigata iskuulada.

20- Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka ah oo ku dhawaaqday in Soomaaliya ay ka qaybgalayso markeedii ugu horaysay Bandhigga Farshaxanka iyo Dhaqanka Caalamiga ah La Biennale di Venezia, Tirsigiisa 61-aad.

21- Guddiga Gurmadka Abaaraha Dawlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa biyo dhaamin iyo taakulayn ka wada guud ahaan gobollada iyo degmooyinka maamulkaasi, xilli shacabka halkaas ku dhaqan ay wajahayaan biyo yari.

22- Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku Nool Dalka Koofur Afrika oo si weyn u soo dhoweeyay go’aankii Baarlamaanka Soomaaliya ku ansixiyay Dastuurka rasmiga ah ee dalka.

23- Mas’uuliyiin sare oo ka socda Dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka oo ka wada hadlay sidii loo maalgashan lahaa Kheyraadka dalka gaar ahaan gaanacsig iyo tamarta.

24- Maamulka gobolka Bakool ayaa xarigga ka jaray mashruuc lagu qoday ceel biyood si lacag la’aan ah bulshada magaalada Xuddur u isticmaali karaan.

25- Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya iyo ganacsatada dalka oo kawada hadlay saameynta uu dalkeenna ku yeelanayo dagaalka ka socda Bariga Dhaxe iyo sida looga gaashaman karo.

26- Madaxda maamulada Gobolka Banaadir, Hirshabeelle iyo Waqooyi Bari Soomaaliya oo bogaadiyay ansixinta Baarlamaanka ee dastuurka dalka.

==========DHAMMAAD============

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud hosted a special Iftar...

Golaha Wasiirrada XFS oo Ansixiyey Heshiisyo Caalami ah iyo Xeer-nidaamiyeyaal Muhiim ah

Muqdisho, Khamiis, 05 Maarso 2026 – Golaha Wasiirrada ee...

Wasaaradda Warfaafinta oo soo dhaweysay Ansixinta  dhammeystirka Dastuurka JFS 

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa si diirran...

Wasaaradda Hawlaha Guud ee XFS oo soo dhaweysay ansixinta Dastuurka JFS

MUQDISHO | 05 Maarso 2026 – Wasaaradda Hawlaha Guud,...