Wasaaradda Warfaafinta oo soo dhaweysay Ansixinta  dhammeystirka Dastuurka JFS 

Date:

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa si diirran u soo dhoweysay ansixinta ay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku meel mariyeen dhammaystirka Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wasaaraddu waxay sheegtay in tallaabadan ay tahay mid taariikhi ah oo lagu soo gabagabeeyay qabyo-tirkii dastuurka KMG ahaa, isla markaana saldhig u noqoneysa heshiis bulsho oo qeexaya awoodaha iyo waajibaadka heerarka kala duwan ee hay’adaha federaalka. Sidoo kale, ansixinta dastuurkan waxay gacan ka geysaneysaa xoojinta dowlad-wanaagga, isla xisaabtanka iyo wadajirka qaranka Soomaaliyeed.

Wasaaradda Warfaafinta ayaa tilmaamtay in dhammaystirka dastuurka uu yahay guul u soo hoyatay geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya, isla markaana uu furi doono bog cusub oo lagu xoojinayo hay’adaha dowliga ah, horumarinta dimuqraadiyadda iyo sare u qaadidda kalsoonida ay shacabka ku qabaan dowladnimada.

Wasaaraddu waxay sidoo kale xustay in warbaahinta qaranku ay door muhiim ah ka qaadan doonto wacyigelinta bulshada ee ku saabsan qodobada dastuurka iyo muhiimadda ay u leeyihiin dhismaha dowlad sharci ku dhisan.

Gabagabadii, Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa ku baaqday in dhammaan hay’adaha dowladda iyo bulshada Soomaaliyeed ay ka wada shaqeeyaan hirgelinta qodobada dastuurka, si loo xaqiijiyo dowladnimo xooggan, midnimo qaran iyo horumar waara.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul wasaare Xamse oo ka qaybgalay abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Qoyska oo qaabishay wafdi ka socday Qaramada Midoobay

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb...

CIIDAMADA QALABKA SIDA OO SI RASMI AH ISUGU FURAY WADDADA MUQDISHO ILAA BAYDHABO

Ciidamada Xoogga Dalka oo ku jiray maalmahan hawlgal sifayn...