Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka qaybgalay shirka Golaha Nabadda iyo Amniga AU ee AUSSOM iyo Suudaan

Date:

Mudane Cabdisalaam Cali, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa kaga qaybgalay shirka heer wasiir ee Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika (AU PSC), kaas oo diiradda lagu saaray hawlgalka AUSSOM iyo xaaladda dalka Suudaan.

Wasiirku waxa uu uga mahadceliyey hoggaanka Midowga Afrika iyo dalalka ciidamada ku deeqay taageerada ay siiyaan hawlgalka AUSSOM, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay sii wadista xoojinta amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.

Sidoo kale, wuxuu carrabka ku adkeeyey muhiimadda doorashooyinka qof iyo cod ee ka qabsoomay Muqdisho, isaga oo ku tilmaamay tallaabo taariikhi ah oo muujinaysa horumarka dalka.

Wasiirka ayaa sidoo kale muujiyey qaddarin ku aaddan doorashada Soomaaliya loogu doortay xubinnimada Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika, isaga oo tilmaamay inay tani ka tarjumayso kalsoonida ay qaaraddu ku qabto Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida AUN Janaraal Maxamed Cali Abokor

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Gubadleey oo u gudubtay wareega 3-aad Tartan cilmiyeedka warbaahin Qaranka

Degmada Gubadleey oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud hosted a special Iftar...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo afur sharafeed u...