Soomaaliya iyo Masar oo yeeshay Kulan Laba-Geesood ah oo lagu xoojinayo Iskaashiga  Istiraatiijiga ah

Date:

Addis Ababa | Khamiis, 12 Febraayo 2026

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cali, ayaa maanta kulan laba-geesood ah la yeeshay dhiggiisa Jamhuuriyadda Carabta ee Masar. Kulankan ayaa qabsoomay intii ay socdeen shirarka Midowga Afrika ee ka dhacaya magaalada Addis Ababa.

Labada dhinac ayaa dib u xaqiijiyey xiriirka taariikhiga ah ee xooggan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Masar, iyaga oo isku raacay in la sii xoojiyo iskaashiga dhinacyada isku-duwidda diblomaasiyadeed, nabadda iyo amniga, ganacsiga, iyo maalgashiga.

Sidoo kale, waxay ku heshiiyeen in la joogteeyo wada-shaqeynta dhow ee marinnada diblomaasiyadeed ee jira, si loo hormariyo danaha wadajirka ah iyo xasilloonida gobolka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud hosted a special Iftar...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo afur sharafeed u...

Golaha Wasiirrada XFS oo Ansixiyey Heshiisyo Caalami ah iyo Xeer-nidaamiyeyaal Muhiim ah

Muqdisho, Khamiis, 05 Maarso 2026 – Golaha Wasiirrada ee...

Wasaaradda Warfaafinta oo soo dhaweysay Ansixinta  dhammeystirka Dastuurka JFS 

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa si diirran...