๐‘/๐– ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐ช๐š๐ฒ๐›๐ ๐š๐ฅ๐š๐ฒ d๐š๐šh-๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ค๐šย  ๐›๐ฎ๐ฎ๐ ๐ ๐š โ€œ๐๐š๐š๐๐ข๐ ๐จ๐จ๐›๐ค๐ข๐ข ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐†๐ž๐ž๐ฌ๐ค๐š ๐€๐Ÿ๐ซ๐ข๐ค๐šโ€.

Date:

Muqdisho, Khamiis, 12 Febraayo 2026: โ€“ Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa ka qaybgalay Baalfurka Buugga โ€œBaadigoobkii Nabadda Geeska Afrikaโ€, kaasi oo iftiiminaya dadaalladii kala dambeeyay ee lagu dhisayey dowladnimada Soomaaliya xilliyadii burburkii iyo marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay.

Raโ€™iisul Wasaaraha, ayaa xusay in nabadda Soomaaliya ay saameyn ku leedahay guud ahaan gobolka Geeska Afrika, isaga oo tilmaamay in kala qeybinta Soomaaliya ay halis ku tahay amniga iyo xasilloonida Gobolka, loona baahanyahay in la adkeeyo midnimada iyo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa, ayaa tilmaamay in Buuggan oo ku qoran luuqadda Soomaaliga uu mudnaan u leyahay bulshooyinka gobolka isaga oo boorriyey ahmiyadda ay leedahay in Gobolka Geeska Afrika la gaarsiiyo Luuqadda Soomaaliga, ayna mudnaan gaar ah siiyaan si loo ilaaliyo Dhaqanka, Afka iyo Diinteenna

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, oo dhiirrigalinaya Akhriska tagtadii shalay iyo taariikhihii kala duwanaa ee lasoo maray ayaa sheegay in bulshadooyinka wax akhriya ay marwalba aragti fog kasii yeeshaan waxyaabaha kusoo socda, isaga oo u mahadceliyay Qoraaga Buugga Danjire Maxamed Cabdi Afey, oo dadaal ku bixiyey uruurinta iyo curintiisa muhiimka ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdi ka socda Boqortooyada Ingiriiskaย 

Muqdisho, Febaraayo 12, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Soomaaliya iyo Masar oo yeeshay Kulan Laba-Geesood ah oo lagu xoojinayo Iskaashigaย  Istiraatiijiga ah

Addis Ababa | Khamiis, 12 Febraayo 2026 Wasiirka Arrimaha Dibadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka qaybgalay shirka Golaha Nabadda iyo Amniga AU ee AUSSOM iyo Suudaan

Mudane Cabdisalaam Cali, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga...

Wasiirka Cadaaladda XFS oo booqday Dugsiga Sare ee Garsoorka ee Dalkaย  Aljeeriya

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka...