Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-ilaaliyaha Sanduuqa Qaranka ee Maareeynta Musiibooyinkaย 

Date:

Muqdisho, Khamiis, 05 Febraayo 2026: โ€” Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa ayaa lagu soo bandhigay warbixinno ka tarjumaya xaaladda abaaraha ka jira gayiga Soomaaliyeed iyo saameynta dhanka biyaha iyo cuntada ah ee ay ku yeelatay dalka, iyada oo ay Xukuumaddu qorshaynaso tallaabooyin degdeg ah oo wax looga qabanayo xaaladda taagan.

Kulanka oo uu guddoomiyey Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey ๐—๐ž๐ž๐ซ-๐๐ข๐๐š๐š๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐’๐š๐ง๐๐ฎ๐ฎ๐ช๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐Œ๐š๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐Š๐ก๐š๐ญ๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐ฎ๐ฌ๐ข๐ข๐›๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐š, kaas oo dhigaya hannaan sharci iyo maamul oo mideynaya diyaar-garowga, ka-hortagga, iyo wax ka qabashada musiibooyinka dabiiciga ah iyo kuwa baniโ€™aadamka sameeyo, iyada oo ujeedka guud yahay isku tashiga bulshada iyo dowladda.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa meel-mariyey heshiisyo iyo siyaasado muhiim u ah horumarka heyโ€™addaha ay khuseyso kuwaas oo lagu tayeynayo adeegyada dowladda waxa ayna kala yihiin.

๐Ÿ- ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐ข๐ฌ-๐š๐Ÿ๐ ๐š๐ซ๐š๐ ๐จ๐จ ๐ฎ ๐๐ก๐ž๐ฑ๐ž๐ž๐ฒ๐š ๐ƒ๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐…๐ž๐๐ž๐ซ๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ƒ๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐“๐ฎ๐ซ๐ค๐ข๐ ๐š, ๐ค๐š๐š๐ฌ ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ ๐ฌ๐š๐š๐›๐ฌ๐š๐ง ๐ข๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข ๐ ๐š๐š๐๐ข๐ข๐๐ค๐š ๐›๐š๐๐๐š.

๐Ÿ- ๐€๐ฑ๐๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐๐š๐๐๐š (๐Ÿ๐ŸŽ๐ŸŽ๐Ÿ”).

๐Ÿ‘- ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐‚๐š๐š๐ฅ๐š๐ฆ๐ข๐ ๐š ๐š๐ก ๐ž๐ž ๐๐š๐ข๐ซ๐จ๐›๐ข ๐ž๐ž ๐ค๐š ๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ข๐ฌ๐ญ๐š ๐›๐ฎ๐ซ๐›๐ฎ๐ซ๐ค๐š ๐ฆ๐š๐ซ๐š๐š๐ค๐ข๐ข๐›๐ญ๐š ๐ž๐ž ๐Ÿ๐ŸŽ๐ŸŽ๐Ÿ•.

๐Ÿ’- ๐€๐ฑ๐๐ข๐ ๐š ๐‚๐š๐š๐ฅ๐š๐ฆ๐ข๐ ๐š ๐š๐ก ๐ž๐ž ๐œ๐š๐›๐›๐ข๐ซ๐ค๐š ๐œ๐ฎ๐ฅ๐š๐ฒ๐ฌ๐ค๐š ๐Œ๐š๐ซ๐š๐š๐ค๐ข๐ข๐›๐ญ๐š ๐ž๐ž ๐Ÿ๐Ÿ—๐Ÿ”๐Ÿ—.

Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa warbixin faahfaahsan ka dhagaystay Guddiga Qaran ee La-dagaallanka Tahriibka iyo Ka-ganacsiga Dadka, oo lagu soo bandhigay xaaladda dhabta ah ee tahriibka iyo dhibaatooyinka baโ€™an ee ay ku hayaan dhallinyarada Soomaaliyeed, taasi oo iftiimisay halista naf iyo maalba leh ee ay la kulmaan dhallinyarada ku hamisa tahriibka, oo ay ka mid yihiin dhimasho, dhaawac, xabsi, tacaddiyo iyo ka faaโ€™iidaysi baniโ€™aadamnimo, kuwaas oo si toos ah u saameeya mustaqbalkooda iyo horumarka dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada...