Aqalka sare oo Ansixiyay sharciga daawada iyo agabka caafimaadka.

Date:

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Mariam Hussein, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka iyo Hay’adda Daawada, ayaa goob-joog ka ahaa ansixinta Sharciga Daawada iyo Agabka Caafimaadka Soomaaliyeed oo maanta ka dhacday Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Fadhiga Golaha oo uu Shir-guddoominayay Guddoomiye Ku-Xigeenka Labaad ee Golaha Aqalka Sare, Senator Cabdullaahi Cali Xirsi (Timacadde), kaas oo si rasmi ah u furay kalfadhiga ayadoona uu kooramka ku xadir ahayeen 28 Xubnood, intaa kadib, Guddoomiyaha Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Aqalka Sare, Sen. Prof. Dr. Osman Dufle, ayaa Golaha ka jeediyay Akhrinta Saddexaad ee hindise-sharciyeedka, si ay Senatoradu ugu codeeyaan ansixintiisa, ayadoona uu sharcigani waxa uu laf-dhabar u yahay horumarinta iyo tayeynta nidaamka caafimaadka Dalkeena.

Kadib, Guddoomiye Ku-Xigeenka oo Shir-guddoominayay ayaa codsaday in cod loo qaado sharciga, waxaana ogolaaday 27 Senator, halka hal Senator uu ka gaabsaday, intaa kadib ayuu ku dhawaaqay natijada rasmi ah isagoo sheegay in Aqalka Sare ay cod aqlabiyad ah ku ansxiyeen Hindise-Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Daawada iyo Agabka Caafimaadka Soomaaliyeed.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Maryama Mohamed Hussein, oo Golaha ka jeedisay hadal qiima leh iyaddo marka hore mahadcelisay Golaha Aqalkan Sare, dhanka kalana sheegatay in maanta ay thay maalin taariikhi ah oo u soo hoyatay bahda Caafimaadka Soomaaliya, sidookalena carrabka ku adkaysay in sharcigani door weyn ka qaadan doono maamulida, hubinta tayada iyo helitaanka daawo waxtar u leh bulshada.

Sidookale, Dr. Maryama ayaa cadaysay in Sharcinagan uu si wax ku ool ah uga hortagi doono daawooyinka been-abuurka ah iyo kuwa tayadoodu liidato, iyadoo la gilin doono hanaanka caalamiga ah ee xakameynta dawooyinka khatart ku ah caafimaadka bulshada.

Ugu danbeyntii Wasiiru Dowlaha ayaa si gaar ah ugu mahadcelisay Guddoonka iyo Senatorada ee ansixiyay sharcigan muhiimka ah, iyada oo ku nuuxnuuxsatay in Wasaaradda Caafimaadku ay ka go’an tahay hirgelinta sharcigan si loo xaqiijiyo danaha caafimaad ee bulshada Soomaaliyeed.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay qaar ka mid ah hoggaanka Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta...

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeedayaa kulan la qaatay Madaxa Hay’adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen...

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ayaa Muqdisho ku soo dhaweeyey wafdi ballaaran

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Mudane...

Ciidamada xooga dalka ayaa si buuxda ula wareegay jabad -godane

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa si buuxda ula wareegay deegaanka...