Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo hoggaamiyey munaasabad lagu wareejinayey agab caafimaad

Date:

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Sabtida maanta ah hoggaamiyey munaasabad lagu wareejinayey qalab caafimaad oo loogu talagalay 16 Xarumood oo ku yaalla degmooyinka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa munaasabadda ka sheegay in qalabkan caafimaad uu yahay mid muhiim u ah horumarinta tayada adeegyada caafimaadka, gaar ahaan hooyooyinka, carruurta iyo guud ahaan bulshada nugul. Waxa uu xusay in Maamulka Gobolka Banaadir uu mudnaan gaar ah siinayo caafimaadka dadweynaha, islamarkaana uu sii xoojin doono taageerada xarumaha caafimaadka ee degmooyinka.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa waxa uu faray maamullada degmooyinka iyo madaxda xarumaha caafimaadka in si hufan oo mas’uuliyad leh loo isticmaalo qalabka la wareejiyey, si ay si toos ah uga faa’iideystaan shacabka ku nool 16-ka degmo ee looga qoondeeyay degmooyinka Gobolka Banaadir.

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha guddaha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta XFS Mudane Xildhibaan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax dhismaha wadadda Cabdiqaasim

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Safiirka Soomaaliya ee Koonfur Afrika oo ka qayb galay kulan ay isugu yimaadeen safiirrada dalalka Afrika ee Koonfur Afrika

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Koonfur Afrika,...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud spoke with the re-elected...