Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Jarmalka oo booqasho ku yimid Soomaaliya.

Date:

Wafdi heer sare ah oo ka socday Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Jarmalka, kana mid ah Madaxda Xiriirka Dowladaha ee Federaalka Booliiska Jarmalka, ayaa booqasho shaqo ku yimid Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Wafdiga waxaa hoggaaminayay Mudane Colonel Niels Zimmermann, waxaana ay kulan miro-dhal ah la yeesheen Madaxda Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ), oo uu ugu horreeyo Agaasimaha Guud ee hay’adda, Mudane Mustafa Duhulow.

Booqashadan oo ka dhacday magaalada Muqdisho intii u dhaxaysay 21–22 Janaayo 2026, ayaa ujeeddadeedu ahayd xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah ee u dhexeeya labada dal, is-dhaafsiga khibradaha, iyo horumarinta wada-shaqeynta dhinacyada maareynta socdaalka, sugidda amniga xuduudaha, horumarinta baasaboorka Soomaaliga, iyo la dagaallanka socdaalka sharci-darrada ah.

Intii lagu guda jiray booqashada shaqo, wafdiga Jarmalka ayaa booqday Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde, halkaas oo ay si dhow uga indha-indheeyeen hab-raacyada maareynta rakaabka imanaya iyo kuwa baxaya, khadadka koontaroolka 1aad iyo 2aad, hawlaha Qaybta Baarista Dukumentiyada (Document Examination) iyo Fraud Detection Unit, iyo guud ahaan nidaamka maareynta xuduudaha. Wafdigu waxa ay si gaar ah u qiimeeyeen doorka HSJ ee sugidda amniga qaranka.

Agaasimaha Guud ee HSJ, Mudane Mustafa Duhulow, ayaa wafdiga si rasmi ah u soo dhaweeyay, isaga oo uga mahadceliyay Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Jarmalka aqoonsiga Baasaboorka Diblumaasiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, tallaabadaas oo muujinaysa kalsooni, is-ixtiraam, iyo xiriir diblumaasiyadeed oo sii xoogeysanaya. Waxa uu sidoo kale adkeeyay sida ay hay’addu uga go’an tahay xoojinta wada-shaqeynta caalamiga ah iyo is-dhaafsiga khibradaha, si loo dhiso hay’ad casri ah oo la jaanqaadaysa heerarka caalamiga ah.

Kulamada labada dhinac ayaa si qoto dheer loogu gorfeeyay waajibaadka iyo qaab-dhismeedka HSJ, mudnaanta istiraatiijiyadeed ee hay’adda, iyo dadaallada lagula dagaallamayo tahriibka dadka, dambiyada abaabulan, iyo socdaalka sharci-darrada ah ee dhulka, cirka, iyo badda. Sidoo kale, waxaa la isla gartay fursadaha iskaashi ee mustaqbalka, taageerada farsamo, is-dhaafsiga macluumaadka, iyo xoojinta awoodda shaqaalaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...