Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa xalay fuliyay howlgal cirka ah oo ka dhacay deegaanka Jabad Godone ee Gobolka Shabeellada Dhexe.
Howlgalka ayaa lagu bartilmaameedsaday goob ay Khawaarijtu ka abaabuli jireen falal argagixiso, gaar ahaan qaraxyada lagu dhibaateeyo shacabka, waxaana howlgalkaas lagu khaarajiyay 17 dhagarqabe oo ka tirsanaa argagixisada, sidoo kale waxaa howlgalka lagu burburiyay gabi ahaan hubkii iyo gaadiidkii ay Khawaarijtu u adeegsan jirtay falalkooda guracan, si loo xakameeyo dhagartooda.
Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa mar kale xaqiijiyay goโaankooda ah in ay sii wadaan howlgallada qorsheysan ee lagu ciribtirayo Khawaarijta arxanka daran, si loo ilaaliyo amniga, xasilloonida, iyo badbaadada shacabka Soomaaliyeed.
