Madaxweynaha JFS oo la kulmay Masโ€™uuliyiinta Gobollada Waqooyi

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira wada-tashiyo Qaran oo lagu ilaalinayo midnimada iyo madax-bannaanida dalka ayaa kulan la qaatay, masโ€™uuliyiinta hayโ€™adaha fulinta iyo sharci dajinta ku matala, Gobolada Waqooyi ee dalka.

Madaxweynaha ayaa masโ€™uuliyiinta ka dhageystay tallooyin iyo aragtiyo wax ku ool ah oo ku aadan, hannaanka loo wajahayo, ka hortagga fara-galinta shisheeye iyo ilaalinta midnimada dalka, isaga oo ka dalbaday in ay qaataan doorkooda ku aaddan ilaalinta Qarannimada iyo wadajirka Ummadda soomaaliyeed.

Dhankooda, masโ€™uuliyiinta Xukuumadda iyo Baaralamaanka dalka ku matala Gobolada Waqooyi ayaa Madaxweynaha ku bogaadiyay, dadaalka xooggan ee uu ku bixinayo ilaalinta gobanimada iyo midnimada dalka, iyaga oo ballan qaaday in ay kaalintooda ka qaadandoonaan, Ololaha Qaran ee looga hortagayo kala qaybinta dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...