Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

Date:

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta si diirran loogu soo dhoweeyey Degmada Xudur ee Gobolka Bakool,halkaa oo ay ku soo dhoweyeen masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Bakool iyo kan Degmada Xudur, saraakiil amni, odayaal dhaqan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ujeeddada safarka Madaxweynaha ayaa ah kormeerka guud ee xaaladda amniga, adeegyada bulshada iyo dardargelinta mashaariicda horumarineed ee ka socda degmada Xudur iyo guud ahaan Gobolka Bakool.

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay Degmada Xudur la kulmi doona masuuliyiinta heer gobol iyo degmo, isagoo dhageysan doona talooyinka iyo baahiyaha ay qabaan bulshada deegaanka, si loo sii xoojiyo nabadda, horumarka iyo wada shaqeynta dowladda iyo shacabka.

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS oo ansixiyay Dastuurka rasmiga ah ee Dalka.

Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Senatorrada Aqalka Sare ee Baarlamaanka...

DFS oo bixisay US$3.88 Milyan oo Caymis Takaful ah oo gaadhay 17,734 Xoolo-dhaqato

Muqdisho, Soomaaliya: Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay bixinta lacag...

RW Ku-xigeenka iyo Duqa Muqdisho oo adkeeyay Midnimada iyo horumarka Caasimadda

Muqdisho, Maarso 03, 2026: Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo degmada Jalalaqsi ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...