Wasiirka beeraha iyo wasiirka shaqada iyo shaqaalaha ayaa kormeer ku tegay degmada Hawlwadaag oo ay ka socoto kaar qaybinta

Date:

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS, Xil. Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), iyo Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Prof. Saalim Caliyow Ibroow, ayaa maanta Kormeer ku tagay Degmada Howl-wadaag.

Wasiirada iyo wafdiga ay hogaaminaayeen ayaa waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay degmada Guddoomiyaha Degmada Howl-wadaag, Mudane Bashiir Cabdi Maxamed iyo maamulka degmada, halkaas oo ka dhacay kulan muhiim ah oo lagula hadlay bulshada, gaar ahaan dhalinyarada.

Intii uu socday kulanka, Wasiirradda waxay dhalinyarada ku boorriyeen inay qaataan kaarka codbixinta, iyagoo xusay in mustaqbalka horumarka iyo go’aan-qaadashada degmada ay si toos ah ugu xiran tahay ka qaybgalka shacabka iyo codkooda.

Sidoo kale, Wasiirrada waxay tilmaameen in la fududeyn doono habraaca qaadashada kaarka bulshada, si muwaadiniinta si habsami leh ugu helaan adeegyada ay xaqa u leeyihiin, isla markaana ay uga qayb qaataan hanaanka doorasho ee hufan.

Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaalada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu xoojinayo ka qaybgalka bulshada, wacyigelinta muwaadiniinta iyo hirgelinta nidaamyo caddaalad ah oo ay bulshadu codku leedahay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...