𝐑/𝐖 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐦𝐛𝐚𝐥𝐲𝐨 𝐤𝐮 𝐚𝐚𝐝𝐝𝐚𝐧 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐗𝐚𝐪𝐮𝐮𝐪𝐝𝐚 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐮 𝐝𝐢𝐫𝐚𝐲 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝.

Date:

Muqdisho, 10 December 2025:- Iyada oo maanta dunida oo dhan laga xusayo maalinta Xuquuqda Aadanaha ayuu Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre waxaa uu hambalyo iyo boggaadin u direy guud ahaan bulshada Soomaaliyeed maadaamaa horumar ballaaran laga sameeyay u saldhigista arrimaha xuquuqda aadanaha.

“Soomaaliya waxaa ka go’an Geeddi-Socodka Xuquuqul Insaanka, waana jaangooyada siyaasadeed oo looga gudbayo xasaradaha looguna tallaabayo dhismaha dal sharci iyo kala dambeyn leh” ayuu yiri Mudane Xamsa.

Soomaaliya kaliya ma ahan mid ka mid ah saxiixayaasha heshiisyada caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha , ee waxa heshiisyadan ka dhigaysaa xeerar maxali ah oo la falgala nolol maalmeedka dadka heer degmo illaa heer federal, si hubanti looga dhigo illaalinta xaqa asaasiga ah ee muwaadhinka.

Xuska maalintan caalamiga ah ayaa sanadkan kusoo aadaysa iyada oo xukuumadda Dan Qaran ay dhistay guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqda Aadanaha, Ansixyay Baarlamaanka Federaalka ah, maantana kama dambeys uu saxiixay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ugu dambeyntii xusey in ka sokoow guddiga, dowladda ay xoojisay Xafiiska Xeer Illaaliyaha Guud, Taliska Ciidanka Soomaaliyeed iyo Hay’adaha Garsoorka si ay awood ugu yeeshaan in ay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadaan fal kasta oo xad gudub ku ah xuquuqul insaanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Kulan ku saabsan u-diyaargarowga iyo ka hortagga cudurka Ebola oo ka furmay Muqdisho

Waxaa goor dhow ka furmay Xarunta Qaran ee Howl-gallada...

Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga gobolka Bay

Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed,...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Xarigga ka jaray xarunta Cusub ee Degmada Shangaani

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....