Maamulka Gobolka Banaadir oo kulan wacyigelin ah ku qabtay degmooyinka bartamaha Muqdisho

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, ayaa caawa hoggaamiyay kulan wacyigelin bulsho oo lagu qabtay Degmada Boondheere, kaas oo loogu diyaar-garoobayo doorashada qof iyo codka iyo qaadashada kaarka codbixinta.

Kulanka oo qayb ka ah ololaha wacyigelinta bulshada ayaa waxaa ka qaybgalay guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda, xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, guddoomiyeyaal degmo iyo marti sharaf kale.

Intii kulanka lagu jiray waxaa diiradda lagu saaray:

wacyigelinta doorashada iyo qaadashada kaarka codbixinta, sugidda amniga caasimadda, doorka bulshada ee xasillinta magaalada.

Xildhibaanada ayaa ammaanay hoggaanka hufan iyo waxqabadka Dr. Muungaab ee horumarinta Muqdisho.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay dardargelinta howlaha wacyigelinta, isaga oo tilmaamay in qaadashada kaarka codbixinta ay u tahay shacabka fursad taariikhi ah.

Ugu dambeyn, Dr. Muungaab ayaa xusay in maamulka iyo shacabka Muqdisho ay ku mideysan yihiin dhismaha caasimad nabdoon, mideysan oo horumar leh, taasoo ku saleysan wadatashi iyo wacyigelin joogto ah.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...