Wasaaradda Tamarta oo goobo Caafimaad iyo waxbarasho u samaysay koronto galin lacag la’aan ah

Date:

Wasaaradda Tamarta DFS, oo kaashanaysa saaxiibbada caalamiga ah, ayaa 335 xarumood oo isugu jira goobo caafimaad iyo waxbarasho u samaysay koronto-gelin bilaash ah.

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa booqasho ku tagay xarumaha waxbarasho ee ay wasaaraddu ka fulisay mashruucan. Xarumaha uu booqday waxaa ka mid ah Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, iyo dugsiyo ku yaalla caasimadda.

Mashruucan waxa uu ujeeddadiisu ahayd in lagu caawiyo bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan goobaha caafimaadka iyo waxbarashada, si loo helo adeeg hufan oo joogto ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo isbeddel ku sameeyay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda

Muqdisho , 1-da April , 2026 : Ra’iisul Wasaaraha...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Baydhabo kulan kula qaatay Mas’uuliyiinta Wasaaradaha KGS 

Baydhabo, Soomaaliya – 1-da Abriil, 2026: Guddoomiyaha Golaha Shacabka...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray Waddada Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Xasan Maxamed...

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiishii isku furay Muqdisho iyo Baydhabo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...