Wasiirka Qorsheynta XFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay dhiggiisa Brazil.

Date:

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Wasiirka Horumarinta Bulshada iyo La-dagaallanka Gaajada ee Brazil, Mudane Wellington Dias, intii lagu jiray Shirweynaha 2-aad ee Horumarinta Bulshada ee ka socda magaalada Dooxa.

Labada mas’uul waxay ka wada hadleen dardargelinta dadaallada dhimista saboolnimada, xoojinta nidaamka ilaalinta bulshada, iyo ballaarinta fursadaha haweenka, dhallinyarada iyo bulshooyinka barakacay, iyagoo la jaanqaadaya yoolalka Qorshaha Isbeddelka Qaran (NTP 2025–2029).

Sidoo kale, waxay isla meel dhigeen in la xoojiyo is-weydaarsiga aqoonta, maalgashiga, iyo iskaashiga ganacsiga gaarka loo leeyahay, si siyaasadaha loogu beddelo natiijooyin la cabbiri karo iyo shaqooyin waxtar leh.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha KMG koonfur Galbeed oo magacaabay Agaasimaha Guud Madaxtooyada

Hoggaamiyaha Ku-meel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed Mudane Jabriil Cabdirashiid...

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga oo Ankara ku soo gabagabeeyey kulamo muhiim ah

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Guddoomiye Ku-xigeenka Maaliyadda Gobolka Banaadir oo ka Qayb-galay Daahfurka Xarunta Shaybaarka Biyaha

Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir, Mudane Ciise...

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgallo qorsheysan ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

WAR SAXAAFADEED Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo...