Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan qado sharaf ah ku maamusay Madaxdii hore ee Dalka

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan qado sharaf ah ku maamusay Madaxdii hore ee Dalka, kaddib ka qayb galkii Munaasabadda Xuska 25-guurada Shirweynihii Nabadaynta Soomaaliya ee Carta ayaa la wadaagay warbixin ku saabsan qorshaha Qaran ee dowlad dhiska, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, dhamaystirka Dastuurka, dardar galinta nidaamka axsaabta badan, amniga iyo ciribtirka argagixisada.

Dhankooda, Madaxdii hore ee Qaranka ayaa bogaadiyey guulaha la gaaray, iyaga oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda la wadaagay talooyin wax ku ool, waxayna hoosta ka xariiqeen ahmiyadda ay leedahay hirgelinta doorasho dadweyne iyo adkeynta tiirarka dowladnimada dalkeenna.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...