Wasaaradda Beeraha oo Magacaabay Guddiga xog-ururin ku soo sameeya Suuqyada Khudaarta soo dhoofiya.

Date:

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ayaa magacaawday guddi shaqo oo lagu amray in ay muddo kooban ku soo diyaariyaan xog dhameystiran oo ku saabsan suuqyada dalka ku soo gala khudaarta iyo cuntooyinka dibedda laga keeno.

Xubnaha la magacaabay waxaa ka mid ah:

1. Maxamed Muuse Aadan  Agaasimaha Waaxda Wax-soo-saarka iyo Horumarinta Iskaashatooyinka.

2. Khadar Yaasiin Maxamed  Xubin ka tirsan Waaxda Ganacsiga Wax-soo-saarka Beeraha iyo Maalgashiga.

3. Cabdixamiid Jaamac Xasan  Xafiiska Wasiirka.

Hawl-wadeennadan ayaa lagu amray in ay soo gudbiyaan warbixin faahfaahsan oo ku saabsan habka ay suuqyada dalka ku soo galaan khudaarta iyo cuntooyinka dibadda laga keeno. Ujeedku waa in la helo xog sal u noqon karta qorshe lagu joojinayo soo dejinta aan loo baahnayn, isla markaana loo dhiirrigeliyo wax-soo-saarka gudaha iyo beeraleyda Soomaaliyeed.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallada dowladda ee lagu horumarinayo wax-soo-saarka gudaha, laguna yareynayo cuntooyinka tayo darrada ah ee si sharci-darro ah ku soo gala suuqyada dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha KMG koonfur Galbeed oo magacaabay Agaasimaha Guud Madaxtooyada

Hoggaamiyaha Ku-meel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed Mudane Jabriil Cabdirashiid...

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga oo Ankara ku soo gabagabeeyey kulamo muhiim ah

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Guddoomiye Ku-xigeenka Maaliyadda Gobolka Banaadir oo ka Qayb-galay Daahfurka Xarunta Shaybaarka Biyaha

Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir, Mudane Ciise...

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgallo qorsheysan ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

WAR SAXAAFADEED Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo...