Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo booqasho ku tagay Xarunta Dhexe ee Guddiga Doorashooyinka Qaranka

Date:

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa maanta booqasho ku tagay Xarunta Dhexe ee Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.

Guddoomiyaha Guddiga, Mudane Cabdikariim Axmed Xasan, iyo Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga, Mudane Saadaq Abshir Garaad, iyo xubnaha Guddiga, ayaa si diirran u soo dhoweeyay Ku-simaha Madaxweynaha.

Intii uu joogay xarunta, Ku-simaha Madaxweynaha waxaa loo jeediyey warbixin ku saabsan qorshayaasha mustaqbalka ee Guddiga iyo howlaha doorashooyinka ee soo socda, gaar ahaan qabashada doorashada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir.

Sidoo kale, Ku-simaha Madaxweynaha ayaa kormeeray qaybaha kala duwan ee xarunta oo ay mid yihiin:

– Qeybta Saadka iyo Qalabka Doorashada,

– Xarunta Tababarka Shaqaalaha,

– Qeybta Daabacaadda Kaararka Codbixinta,

– Xarunta Kaydinta Xogta (Data Center-ka).

Guddoomiyaha Guddiga ayaa uga mahadceliyey Ku-simaha Madaxweynaha booqashada iyo dhiirrigelinta uu muujiyay, isagoo carrabka ku adkeeyay in Guddiga ay ka go’an tahay qabashada doorasho xor iyo xalaal ah.

Dhankiisa, Ku-simaha Madaxweynaha ayaa amaanay dadaalka Guddiga iyo shaqada wanaagsan ee ay u hayaan dalka, isagoo xusay in Baarlamaanka JFS uu si buuxda u garab taagan yahay hirgelinta doorashooyin dimuqraadi ah oo lagu kalsoonaan karo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...