Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaanshigga XFS oo tegay Awdheegle

Date:

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Cumar Cali Cabdi, oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose, si ay u qiimeeyaan xaaladda amni iyo tan bini’aadantinimo ee degmadaas oo dhawaan laga xoreeyay maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab.

Wasiiru Dowlaha iyo Taliyaha ayaa kormeeray goobihii uu cadawga argagixisadu burburiyay, oo ay ka mid yihiin guryihii shacabka, xarumihii waxbarashada iyo caafimaadka, iyo qalabkii tamarta qoraxda ku shaqaynayey ee bulshada muhiimka u ahaa.

Wasiiru Dowlaha ayaa tilmaamay in shacabka degmada Awdheegle ay wajahayaan xaalad adag oo u baahan gargaar degdeg ah, isagoo xusay in booqashadan ay qayb ka tahay dadaallada dowladda ee lagu garab taagan yahay shacabka laga xoreeyay Khawaarijta.

Sidoo kale, Wasiiru Dowluhu wuxuu bogaadiyay geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka iyo saaxiibada caalamiga ah gaar ahaan ciidamada ka tirsan howlgalka AUSSOM, kuwaas oo door muuqda ku leh sugidda nabadda iyo xasilloonida dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...