Wasiirka shaqada XFS oo shir-doceed la yeeshay wasiirka Shaqada Turkiga

Date:

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Yusuf Mohamed, ayaa magaalada Doha ee dalka Qatar kulan doceed kula yeeshay Prof. Dr. Vedat Işikhan, Wasiirka Shaqada iyo Ilaalinta Bulshada ee Jamhuuriyadda Turkiga.

Labada wasiir ayaa ka wada hadlay dhameystirka iyo fulinta heshiiskii horey ay u gaareen labada wasaaradood, kaas oo lagu ballamay in si rasmi ah saxiixisu dhawaan ka dhaco dalka Turkiga. Heshiiskaas, oo ay Golaha Wasiirrada Soomaaliya ansixiyeen bishii July 2025, wuxuu diiradda saaraya shaqo-abuurka, shaqo-siinta, iyo horumarinta awoodda shaqaalaha.

Sidoo kale, labada masuul ayaa isla garteen in tababaro aqoon-kororsi ah loo fidiyo shaqaalaha Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ka tirsan Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, si ay uga faa’iideystaan aqoonta iyo khibradda Turkiga ee la xiriirta horumarinta awoodda shaqaalaha iyo maamulka shaqooyinka bulshada.

Ugu dambeyn, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Soomaaliya, Xildhibaan Yusuf Mohamed, ayaa uga mahadceliyay Wasiirka Shaqada iyo Ilaalinta Bulshada ee Turkiga, Prof. Dr. Vedat Işikhan, soo dhoweynta diirran iyo sida uu mar walba uga go’an yahay xoojinta iskaashiga iyo walaaltinimada ka dhaxeysa labada dal ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...