Wasiir dowlaha wasaaradda beeraha XFS oo shir uga qayb galay Masar

Date:

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS, Mudane: Asad Abdirasaq Maxamed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa magaalada Qaahira ee dalka Masar kaga qayb galay shir caalami ah.

Shirkan oo lagu magacaabo shirkii 8-aad ee Toddobaadka Biyaha Qaahira,Waxaana diiradda lagu saaray sidii xal waara loogu heli lahaa biyo yaraanta ay sababtay is bedelka cimiladu taas oo ay wajahayaan wadamada carabtu iyo sidii maalgalin loogu heli lahaa xal u helida arrinkaas.

Wasiir Dowlaha oo shirka hadal ka jeediyey wuxuu ku nuux nuuxsaday fursadaha iyo caqabadaha la xiriira biyaha Soomaaliya sida burburka ku dhacay kaabayaashii waraabka iyo fursadaha maalgalineed ee ka jira dhinaca beeraha Soomaaliya, sidoo kale Wasiirka wuxuu hoosta ka xariiqay sida ay lagama maarmaanka u tahay inay wadamada carabta iska kaashadaan wax ka qabashada dhibaatooyinka ay biyo yaraantu ku hayaan beeraha.

Wasiirka ayaa khudbadiisa kusoo gabagabeeyay qorshayaasha uga degsan Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS kuwooda hortabinta u leh si loo helo sugnaan cunto oo ay Soomaaliya yeelato.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada ku qaabilay...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud received at the Presidential...

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Baydhabo

Baydhabo, Abriil, 03, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka...