Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhagax-dhigay dib-u-dhiska xarunta Degmada Shingaani

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa dhagax-dhigay dib-u-dhiska xarunta cusub ee Degmada Shingaani, taas oo ah markii ugu horreysay muddo 50 sano ah oo xarun rasmi ah loo dhiso degmadaas taariikhiga ah.

Guddoomiye Muungaab ayaa sheegay in maamulka Gobolka Banaadir uu si buuxda uga shaqeyn doono dhismaha xarumo casri ah oo bixiya adeegyada bulshada, isaga oo ku baaqay in shacabka iyo qurba-joogta degmada ay ka qaybqaataan dib-u-dhiska iyo bilicda deegaanka.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeybgalay masuuliyiin, odayaal, haween iyo dhalinyaro deegaanka ah, kuwaas oo uga mahadceliyey Duqa Muqdisho dadaalladiisa ku aaddan horumarinta Shingaani.

Dhagax-dhiggan ayaa calaamad u ah bilowga qorshaha dib-u-soo-nooleynta taariikhda iyo hiddaha degmada Shingaani, qaybna ka ah dadaallada lagu hormarinayo degmooyinka Gobolka

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...