Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhagax-dhigay dib-u-dhiska xarunta Degmada Shingaani

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa dhagax-dhigay dib-u-dhiska xarunta cusub ee Degmada Shingaani, taas oo ah markii ugu horreysay muddo 50 sano ah oo xarun rasmi ah loo dhiso degmadaas taariikhiga ah.

Guddoomiye Muungaab ayaa sheegay in maamulka Gobolka Banaadir uu si buuxda uga shaqeyn doono dhismaha xarumo casri ah oo bixiya adeegyada bulshada, isaga oo ku baaqay in shacabka iyo qurba-joogta degmada ay ka qaybqaataan dib-u-dhiska iyo bilicda deegaanka.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeybgalay masuuliyiin, odayaal, haween iyo dhalinyaro deegaanka ah, kuwaas oo uga mahadceliyey Duqa Muqdisho dadaalladiisa ku aaddan horumarinta Shingaani.

Dhagax-dhiggan ayaa calaamad u ah bilowga qorshaha dib-u-soo-nooleynta taariikhda iyo hiddaha degmada Shingaani, qaybna ka ah dadaallada lagu hormarinayo degmooyinka Gobolka

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidamada Haramcad iyo kuwa Xoogga Dalka oo howlgal wadajir ah ka sameeyay duleedka Baraawe

Ciidamada Booliska Gaarka ah ee Haramcad iyo Ciidanka Xoogga...

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo kulan la qaatay wafdi ka socday Wasaaradda Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudiga

Maareeyaha Dekedda Weyn ee Muqdisho, Danjire Maxamed Cali Nuur...

Hoggaamiyaha KMG koonfur Galbeed oo kulan la qaatay qaar ka mid ah Odeyaasha Dhaqanka

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed,...

Sh/Hoose: Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay horjooge ka tirsan khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 203-aad Guutada...