Duqa Muqdisho oo la kulmay Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta kulan la qaatay Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya, Amb. Francesca Di Mauro.

Kulanka ayaa looga hadlay dardargelinta barnaamijyada horumarineed ee Midowga Yurub ka wado Gobolka Banaadir, gaar ahaan kuwa la xiriira dowlad-dhiska, xasilinta iyo adeegyada bulshada.

Dr. Muungaab ayaa uga mahadceliyay Midowga Yurub taageerada ay siiyaan Soomaaliya, halka Danjiruhu ay ballanqaadday sii wadidda iskaashiga lagu taageerayo horumarka iyo dimuqraadiyaynta magaalada Muqdisho

Danjire Francesca Di Mauro ayaa dhinaceeda xustay sida Midowga Yurub ay uga go’an tahay inay sii wadaan taageerada dhinacyada horumarinta, amniga, dowlad-dhiska iyo adeegyada bulshada, iyadoo la tixgelinayo baahiyaha dhabta ah ee shacabka reer Muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS oo ansixiyay Dastuurka rasmiga ah ee Dalka.

Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Senatorrada Aqalka Sare ee Baarlamaanka...

DFS oo bixisay US$3.88 Milyan oo Caymis Takaful ah oo gaadhay 17,734 Xoolo-dhaqato

Muqdisho, Soomaaliya: Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay bixinta lacag...

RW Ku-xigeenka iyo Duqa Muqdisho oo adkeeyay Midnimada iyo horumarka Caasimadda

Muqdisho, Maarso 03, 2026: Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo degmada Jalalaqsi ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...