Duqa Muqdisho oo la kulmay Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta kulan la qaatay Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya, Amb. Francesca Di Mauro.

Kulanka ayaa looga hadlay dardargelinta barnaamijyada horumarineed ee Midowga Yurub ka wado Gobolka Banaadir, gaar ahaan kuwa la xiriira dowlad-dhiska, xasilinta iyo adeegyada bulshada.

Dr. Muungaab ayaa uga mahadceliyay Midowga Yurub taageerada ay siiyaan Soomaaliya, halka Danjiruhu ay ballanqaadday sii wadidda iskaashiga lagu taageerayo horumarka iyo dimuqraadiyaynta magaalada Muqdisho

Danjire Francesca Di Mauro ayaa dhinaceeda xustay sida Midowga Yurub ay uga go’an tahay inay sii wadaan taageerada dhinacyada horumarinta, amniga, dowlad-dhiska iyo adeegyada bulshada, iyadoo la tixgelinayo baahiyaha dhabta ah ee shacabka reer Muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...