Wasiirka Howlaha Guud oo sheegay in Muqdisho laga hirgelin doono waddooyin tayo leh iyo biya mareenno waara

Date:

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib-u-dhiska XFS, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay billaabayso mashaariic waaweyn oo horumarineed oo wax weyn ka tari doona dhismaha waddooyinka iyo xal u helidda biyo-mareenada Muqdisho, kuwaas oo xilli roobaad kasta caqabad ku ahaa isku socodka shacabka.

Wasiir Cilmi oo waraysi gaar ah siiyay Barnaamijka Raad Raac ee Warbaahinta Qaranka ayaa tilmaamay in mashruuca cusub ee lagu magacaabo “𝐍𝐀𝐆𝐀𝐀𝐃” hadda lagu tijaabiyay lix magaalo oo ay ka mid yihiin Muqdisho, Garowe iyo Hargeysa, isla markaana uu horseeday isbeddel muuqda oo dhanka bilicda, dhismaha waddooyinka iyo furista biyo-mareenada magaalooyinka.

Wasiirka ayaa sheegay in mashaariicda hadda ka socota dalka ay si weyn u beddeleen qaab-dhismeedka magaalooyinka, isla markaana ay sare u qaadeen bilicda iyo la jaanqaadka magaalooyinka caalamka, isagoo xusay in billowga bisha November Muqdisho lagu qaban doono shirkii ugu horreeyay ee dhismaha dalka, kaas oo ay ka qeyb-geli doonaan daneeyayaasha caalamka.

Wajiga koowaad ee mashruuca ayuu sheegay in diiradda lagu saari doona qodista biyo-mareennada dhulka hoostiisa, iyadoo qorshuhu yahay in laga sameeyo laga billaabo isgoyska Number Afar ilaa xeebta Liido, mashruucan oo ku kacaya in ka badan $50 milyan.

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib-u-dhiska XFS, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa sheegay in mashruucan si rasmi ah loo billaabi doono horraanta sanadka 2026, taas oo meesha ka saaraysa cimriga gaaban ee waddooyinka Muqdisho oo roobabku burburin jireen.

“Dowladdu waxay samaysay qorshe cad oo xalka waara ah, waxaana mashaariicda waddooyinka caasimadda keliya ku baxay ku dhowaad $1 bilyan, tani waa billow cusub oo rajada iyo riyooyinka shacabka Soomaaliyeed u beddelaya xaqiiqo la taaban karo,” ayuu yiri Wasiir Cilmi.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...