Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta oo Minnesota kaga hadlay Dalxiiska iyo Dimuqraadiyadda

Date:

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tegay Aqalka Sharci-dejinta ee gobolka Minnesota, halkaas oo si sharaf leh loogu soo dhaweeyey Xildhibaan Samakaab Xuseen, oo ka tirsan Baarlamaanka gobolkaas.

Kulanka labada masuul ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda kobcinta dalxiiska Soomaaliya iyo kaalinta dimuqraadiyaddu ku leedahay horumarinta dalka. Wasiir Al-Adala ayaa Xildhibaan Samakaab gudoonsiiyey Shahaado Sharaf, isaga oo uga mahadceliyey kaalinta uu ka qaatay xoojinta xiriirka bulshada Soomaaliyeed ee Minnesota iyo dalkii hooyo.

Wasiirku wuxuu caddeeyey in Soomaaliya ay leedahay fursado badan oo dalxiiseed oo u baahan in la soo bandhigo, isagoo xusay in qurba-joogtu ay door muuqda ku yeelan karaan dhiirrigelinta dhaqaalaha dalxiiska. Sidoo kale wuxuu sheegay in dimuqraadiyaddu tahay tiir muhiim u ah dowlad-dhisidda, isla markaana mudan in laga faa’iideysto casharrada laga baran karo nidaamka sharci-dejinta Minnesota.

Dhankiisa, Xildhibaan Samakaab Xuseen ayaa Wasiirka ku soo wareejiyey xafiisyada Aqalka Sharci-dejinta Minnesota, isagoo uga warramay taariikhda dhismaha Golaha, habraacyada sharci-dejinta, iyo sida dimuqraadiyaddu ugu adeegto bulshada gobolka.

Kulanka ayaa lagu tilmaamay mid muhiim u ah xoojinta xiriirka iskaashi ee u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo qurba-joogta, gaar ahaan dhinacyada dalxiiska, dhaqanka iyo dimuqraadiyadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Yemen oo ka warbixiyey xaallada ay ku sugan yihiin Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Yemen

Safiirka Soomaaliya ee dalka Yemen, Danjire Cabdixakiin Xaaji Maxamed...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Nairobi ku soo xiray shir looga hadlayay bixinta digniinaha halista musiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan qado sharaf ah ku maamusay Madaxdii hore ee Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo billad sharaf Qaran guddoonsiiyey dhiggiisa dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...