Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi oo si diirran u soo dhoweysay kooxda Mogadishu City Club

Date:

Waxaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Nairobi kooxda Mogadishu City Club, kuwaas oo magaalada u jooga tartanka CAF ee qaaradda Afrika.

Joogitaankooda iyo ka-qaybgalka tartanka wuxuu muujinayaa adkaysiga ciyaareed ee shacabka Soomaaliyeed iyo riyooyinka ay matalayaan kumannaan taageerayaal ah oo ku kala sugan daafaha dalka iyo dibadda.

Ciyaartii ugu dambeysay ee ay Mogadishu CC la ciyaartay kooxda Kenya Police Football Club ayaa keentay xiisad dareen abuurtay, kadib markii dhalinyaro Soomaaliyeed oo ka qaybgalay ciyaartaasi ay ku kaceen falal laga xumaaday oo ay ku dhaawaceen calanka dalka Kenya. Arrintaas waxay keentay falcelin laga yaabo inay dhibaato dhaliso.

Kooxda Mogadishu CC iyo diblomaasiyiinta safaaradda ayaa qabtay kulan warbaahineed oo lagu xallinayo xiisadda, iyadoo Danjiraha Soomaaliya ee Kenya, Mudane Jabril Ibraahim Cabdulle, uu ka hadlay.

Danjiraha ayaa yiri “Waxaan halkan ku caddeynayaa waxaannu si adag u cambaareynaynaa falalka ay sameeyeen tiro yar oo dad ah xilligii ciyaartu socotay, taas oo nasiib darro dabooshay ciyaartii wanaagsanayd ee labada koox soo bandhigeen.”

Waxa uu intaas ku daray:

“Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya wuxuu marayaa heer taariikhi ah, oo ku saleysan iskaashi dhanka ganacsiga, waxbarashada, amniga iyo dhaqanka. Wada-shaqeyntan sii kobcaysa waxa ay ka tarjumeysaa kalsooni iyo aragti mideysan oo salka ku haysa nabadda, xasilloonida, iyo barwaaqada Geeska Afrika.”

Tababaraha kooxda Mogadishu CC ayaa isaguna uga mahadceliyay Dowladda Kenya iyo safaaradda soo dhoweyntooda, isagoo sheegay inay ka xun yihiin falka dhacay, ayna diyaar u yihiin in la xalliyo wixii khalad ah.

Ugu dambeyn, bulshada Soomaaliyeed iyo tan Kenya ayaa loogu baaqay inay ilaaliyaan nabadda, is-qadarka, iyo walaaltinimada, iyadoo la xasuusinayo in kubadda cagtu tahay buundo bulshada isku xirta, saaxiibtinimo dhalisa, una taagan midnimo iyo is-dhexgal.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...