Taliyaha CXDS iyo Guddoomiyaha SoDMA oo ka wada hadlay cimilada iyo dib-u-xoreynta dalka

Date:

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage, iyo Guddoomiyaha SoDMA, Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee cimilada iyo qorshayaasha la xiriira hawlaha dib-u-xoreynta dhulka ay gacanta ku hayaan Khawaarijta.

Intii uu kulanku socday, labada mas’uul waxay diiradda saareen sidii Hay’adda SoDMA uga qayb qaadan lahayd gurmadka bini’aadannimo ee la gaarsiinayo deegaannada cusub ee la qorsheynayo in laga xoreeyo Khawaarijta. Waxaa la isku afgartay in SoDMA ay u diyaar garowdo sidii ay u gaarsiin lahayd gargaarka degdegga ah goobahaas, isla markaana ay hoggaan u noqon lahayd isku-dubbaridka dhammaan howlaha bini’aadannimo.

Si loo xaqiijiyo iskaashi buuxa, labada masuul waxay ku heshiiyeen in la sameeyo guddi farsamo oo kala matala Taliska Ciidanka Xoogga Dalka iyo Hay’adda SoDMA. Guddigan ayaa si dhow uga wada shaqeyn doona sidii loo fulin lahaa qorshayaasha gargaarka iyo taageerada loogu fidinayo dadka ku nool deegaannada la xoreeyay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...