Taliyaha CXDS iyo Guddoomiyaha SoDMA oo ka wada hadlay cimilada iyo dib-u-xoreynta dalka

Date:

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage, iyo Guddoomiyaha SoDMA, Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee cimilada iyo qorshayaasha la xiriira hawlaha dib-u-xoreynta dhulka ay gacanta ku hayaan Khawaarijta.

Intii uu kulanku socday, labada mas’uul waxay diiradda saareen sidii Hay’adda SoDMA uga qayb qaadan lahayd gurmadka bini’aadannimo ee la gaarsiinayo deegaannada cusub ee la qorsheynayo in laga xoreeyo Khawaarijta. Waxaa la isku afgartay in SoDMA ay u diyaar garowdo sidii ay u gaarsiin lahayd gargaarka degdegga ah goobahaas, isla markaana ay hoggaan u noqon lahayd isku-dubbaridka dhammaan howlaha bini’aadannimo.

Si loo xaqiijiyo iskaashi buuxa, labada masuul waxay ku heshiiyeen in la sameeyo guddi farsamo oo kala matala Taliska Ciidanka Xoogga Dalka iyo Hay’adda SoDMA. Guddigan ayaa si dhow uga wada shaqeyn doona sidii loo fulin lahaa qorshayaasha gargaarka iyo taageerada loogu fidinayo dadka ku nool deegaannada la xoreeyay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga oo Ankara ku soo gabagabeeyey kulamo muhiim ah

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Guddoomiye Ku-xigeenka Maaliyadda Gobolka Banaadir oo ka Qayb-galay Daahfurka Xarunta Shaybaarka Biyaha

Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir, Mudane Ciise...

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgallo qorsheysan ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

WAR SAXAAFADEED Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo...

Ciidamada Haramcad iyo kuwa Xoogga Dalka oo howlgal wadajir ah ka sameeyay duleedka Baraawe

Ciidamada Booliska Gaarka ah ee Haramcad iyo Ciidanka Xoogga...