Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka qeybgalaya shir heer wasiir oo ka socda Dooxa

Date:

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa gaaray magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qatar, halkaas oo uu kaga qeybgalayo shir-wadaag heer wasiir ah oo ay iskugu imaanayaan dalalka xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).

Shirkan, oo furmi doona maanta oo Axadda, ayaa gogol-xaarka u ah shir-madaxeedka degdegga ah ee madaxda iyo hoggaamiyeyaasha Carabta iyo Islaamka, kaas oo diiradda lagu saari doono duqeymaha cirka ee Israa’iil ka geysatay gudaha dalka Qatar.

Wasiirrada ka qeybgalaya kulanka ayaa ka doodi doona saameynta siyaasadeed iyo amni ee xiisadda gobolka, waxayna diyaarin doonaan war-murtiyeed mideysan oo loo gudbin doono shir-madaxeedka si loo meel mariyo.

Shir-madaxeedka degdegga ah, oo lagu wado inuu qabsoomo Isniinta, ayaa isu keeni doona madaxda dalalka Carabta iyo Islaamka, si ay ugu muujiyaan midnimo, isbahaysi iyo garab istaag shacabka iyo dowladda Qatar, loona wajaho caqabadaha ka dhashay weerarradaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey oo kala saxiixday Hagaha Ilaalinta Carruurta ee 2025.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa maanta kala...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sucuudiga ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Dowlad Goboleedka KGS oo ku dhawaaqday xaalad bani’aadanimo oo degdeg ah. 

Wasaaradda Arrimaha Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Dowlad-goboleedka Koonfur...

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo ka hadlay daabulidda qalabka codbixinta.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa...