Golaha Wasiirrada oo si adag u cambaareeyay weerarkii ay Israa’iil ku qaaday dowladda Qatar

Date:

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuurriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii gardarrada ahaa ee maamulka Israa’iil u gaystay dalka Qatar gaar ahaan magaalada Doha.

Golaha, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay garab taagan tahay dowladda iyo shacabka aan walaalaha nahay ee Qatar, ayna si cad u diiddan tahay gardarrada iyo xadgudubyada kahor imaanaya dhammaan xeerarka iyo axdiyada caalamiga ah.

Kulanka Golaha oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey Sharciga Baarista iyo Ilaalinta Hilibka, Sharcigan oo ay soo gudbisay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee XFS, ayaa nidaamin doonaa fayo-dhawrka, badqabka iyo Tayada Hilibka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo gaaray magaalada Baydhabo

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane...

Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo shir guddoomiyay kulan muhiim ah

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta...

Wasiir Fiqi oo kormeeray fariisimaha ciidamada XD ee Baydhabo

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi...

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya oo Baydhabo kula kulmay Saraakiisha ciidamada

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa...